Home | Forums | Match Maker | Chat | News | Gallery |  Greetings |  Home & Family | Contact Us
google

   
  FORUMS
 General discussions  
 Love and relationships
 Get advice - ila tali  
 Back to school - baafin
Teens! 2young 2fast
 Tell your story
 Looking women 
 Looking men
Dikaan jaceyl 
Education and technology 
Jaceyl iyo guur
North America   
Europe   
Asia
Africa
Fanka iyo suugaanta
Sports - cayaaraha


Waa Sheeko, waxaana tarjuntay: Ikraam Cali-kaar

Horudhac:

Jennifer, inkastoo aheyd gabar ku kortay nolol adag oo saboolnimo ah hadana waxey laheyd hadaf ay u aragto iney ku gaari karto Mustaqabalkeeda. Taasoo ah iney mar qura noqoto ”Khalanjo” jisha aflaanta.

Daruufaha jira waxey kaa xayiraan hami kasta oo kugu jira. Horeyna Soomaali baa u tiri ”Laabtu been bey kuu sheegta Adimadana run e” Jennifer, nolosha adag ee ay ku jirtay waxaa mar qura ilowsiiyey barashadii ay bartay wiil uu dhalay mid kamid ah maaqalabaneeda magaalada ee Matthew la oran jiray, kaasoo ahaa wiil uu yaraantooda xirriir dhexmaray. Inkastoo ay aheyd gabar aan garaadkeeda ku filneyn marka la eego d’da ay ku jirtay hadana waxey daneyneysay barashadiisa iyadoo xirriirkasi u arakeysay mid ay kaga badbaadi kartay sbaoolnimada heysa. Dhabtise iyadoon gaarin bey mar qura kamid noqtay xiddigaha jilayaasha Aflaamka Mareykanka ee Hollywood-ka sidey doontaba ha ku timaade.

Waase magaallo ceynkee ah Hollywood-ka ay dhex joogto? Dabcan waa magaalo ay ku idil yihiin awood, iyo dumarka oo aan sidaas qiimo loo siin ayey misna keligeed ka noqotay xiddig ka dhex iftiintay.
Dhabtuse waxey tahay sheekadanu inoo sheegeysa, in joogista Jennifer ee Hollywood aaney aheyn oo keliya ka sal gaarista riyadeediiye, balse ay dooneysay iney ilowdo wiilkii iyadoon garaadsan cashar been ah u akhriyey aakhirkiina kaga tagay meel cidla ah.!!

Akhriste sheekadani waa sheeko dhab ahaan u dhacday, ayana qortay qoraaggii caanka aheyd ee reer Mareykan Lisa Gregory, waxaana hubaal ah inaad kaga boggan doontaan akhrinteeda. Waa sheeko ay ku idil yihiin, hilow caashaq wata xannuun iyo xasuus aan dhamaan.
Sheekadani haddii Alla idmo waxey bishiiba mar ku soo bixi doonta
Bogga farshaxanka weyn ee Soomaaliyeed Amiin Caamir Cabdalla “Amin Arts.com”.


Qeybtii 1aad


Magaaladda Sweet River, waxey dhinac cirifka kaga heysaa degmada Ozark Mountains ee gobolka Arkansas. Dhulku waa geedo tirro badan oo aad ku wareereysid marka aad dhexmareyso mararka qaarna waad cabsaneysaa marka laga gaaro habeenkii. Inkastoo ay magaaladda bilicsamideeda ku soo jiidaneyso hadana waad dareemeysa iney tahay magaallo saboolnimo la ciireysa.

Dadka ku dhaqan magaalada gebi ahaantood waa ”Isma dhaanto iyo dhasheed” Dhinac kalese hadaad ka eegto waxey lamid tahay magaalooyinka kale ee dadka ku nool laga helayo dabaqado kala sareysa.

Qoyska reer Taylor waxey daganaayeen meel 5 mayl u jirta magaalada, gaar ahaan barta lugu magacaabo Haskell Ridge. Angie Taylor oo ah Jennifer hooyadeed waxey degmada caan kaga aheyd howl karnimo iyo shaqo joogto ah. Hase ahaatee sannad ka hor bey geeriyootay. Waxeyse habartu meesha kaga tagay odey aad qamriga ugu waalan oo aan xilkas aheyn Jennifer oo gabar yar ah iyo wiil aan wax sidaas ah ka weyneyn.

Odeygu markii islaantiisa geeriyootay wuxuu halkiisi kasii waday balwada iyo cabista qamriga. Wuxuuna ku sifoobay qeyrul mas’uul aan carruurtii rajada aheyd daryeelin.

Isagoo qamri ka dheregsan buu dhex socdaa barafka iyo qabowga jira. Dhiigasa waa uu kacsan yahay, dareemiyo dabeysha qabow ee barafku wato. Waxaa hortiisa ka muuqata geeridii xaaskiisa iyo meesha adag ee ay kaga tagtay. Gabadhiisi uu dhalay iskuma wanaagsana in meel cidlo ah taagan tahay bey dareensan tahay cid u maqan ma jirto, waxey ku qasban tahay iney nolosha adag qaabkasta ay usoo wajahdo iney iska celiso.

Waxaa uu kayimid qabrigii Islaantiisi u soo ubaxyo dhigayey. Qabowga jira baa soo ceyriyey maahee waa iska jeclaan lahaa inuu joogo muddo dheer.

Jennifer waxaa u dheer naxariis darrada ay ku qabto aabaheed. Walaalkeedii Corry, durba waxaa loo qaatay ciidan oo tababar ayuu aaday, haddii uu isaga kala badbaadin lahaa odeygan lac laca ah iyo gabdhiisa ma ahan mid daruufta u saamaxeysa waxa uu doonayo ee uu ciidanka iskugu qoray baa ka weyn.

Jennifer waxey aheyd gabar aad u da’ yar Illaaheyna qurux ku maneystay, dhankastood ka eegtaa ku arkimeysid wax indhahaaga ay diidaan, waa halkii Salaad (Darbi) ka yari ”cad xun ku arkimeysid”.
Da’deedna waa 15 jir aan weli dhameyn dugsigii sare. Indho buluug ah oo misna cad cad bey leedahay, timo dheer oo seyn fardooley lugu tilmaamana waxey daadsanaayeen dhabarka dushiisa. Dhererka iyo qaab dhismeedka jirkeeda wey isku dheeli tiran yihiin. Ninkii arkaana inuu jeesto ku soo dhicimeyso.
Weligeed iskuma dayin iney u labisato wax soo jiidan karra indhaha ragga damaca badan, hadey xitaa sidaas yeeli laheyd awooda dhaqaale ayaan u saamaxeyn. Boorsada yarta ah ee gacanta ku wadato kuma jiraan waxyaabaha ay dumarka isku turukeeyaan, haddiise lagamaar maan noqotana waxaa laga helayaa oo keliya indho-kuul iyo xamuuradda (rooseeto) faruuryaha lamarsado.

Iskoolka ay dhigato inkastoo wiilasha dhigta ay qaarkood hadal hayaan quruxda qeyral caadiga ah ee ay leedahay hadana weligeed mid kamid ah dibanaheed uma furin hadal ay lahadashana warkeed daa.
Hase ahaatee waxaa ay isku aragta ineysan quruxsaneyn, dadkoo dhami ay soo wada eegayan. Waxey nacday nafteedii, qaab dhismeedka jirtkeeda iyo magaalada ummada ku nool…. Habeenada qaar iyadoo is ciil kaambiyeysa ayey seexataa, waxeyse ku riyootaa iyadoo kamid ah khalanjooyinka Hollywood-ka oo ay weligeeed jaceleyd iney kamid noqoto iyadoo faraxsana wey soo kacdaa.

Byers cafe waxa uu ku yaal bartamaha magaalada Sweet River, waxaana uu kasoo horjeeda maxkamada sare degmada. Subixii hore inteysan gelin iskuulkii ayey soo aadaa maqaayada si u sii shaqeyso , galabkiina markey soo laabato waxey ku noqotaa shaqada oo sagaalka fiidnimo ay kasoo saartaa biilkeeda. Shaqadan waxaa siiyey Mrs: White iyo Mary Jim oo labaduba deris la ah Jennifer, waxeyna aad u yaqaaneen hooyadeed. Waxeyna jeclaayen iney had iyo jeer kaalmeeyaan maadama aaney qabin ehel ay ku tiirsan tahay oo wax tara.

Maanta gelinka hore ma aysan laheyn Jennifer wax iskool ah inkastoo ay jecleyd iney kanasato shaqadan dhibka badan hadana waxey ogtahay ineysan ka nabadgaleyn aabihii aalkolistaha ahaa guriga u fadhiyey. Sidaas aawadeed dantaa biday iney maqaayadii aado oo dhowrkoo saacadood kasoo shaqeyso. Markey soo gashay shaqada baa loo sheegay in maanta howsha ay ka badan tahay intii hore, islamarkaasina ay imanayaan marti aan inta badan iman. Waxaa loo tilmaamay oo la yiri soo tir tir miiska loogu talagalay (Martida culus). Inkastoo dadka macaamisha ah ee maqaayada yimaada ay ogyihiin in maalqabeenka magaalada iyo asxaabtiisa ay fariistaan. Hadana waxey ku sii qurux badnaan laheyd in miisku ay ku qornaato “reserbo” malaha wey fahmid laheyd martidani waxey tahay.

Sam Ferris waxa uu yahay maal qabeenka Sweet River, magaalada barkeed dukaamanka ku taal sida bakgiyada qaar,farmishiyaha iyo rugta buugaga isagaa leh, wuxuuse ka kireeyey dowlada, halkaasi daqli xoog leh baa kasoo galla. Xitaa maqaayadan xun ee ay joogto Jennifer isagaa lahaa, balse waa iska iibshay.
Odeyga Sam Ferris iyo xeyn asxaabtiisa ayaa durba soo galay maqaayadii, waxana markiiba badalmay jawigii meesha. Waxaad isleedahay tallow ma madaxweyne baa meesha yimid, kani ma ahan nin caadi ahee sida loo soo dhaweynayo iyo sida hadaladiisa u socdaan intaba. Qadar yar kadib odeygii iyo kooxdii la socoday ayaa salka ku hubsaday kuraastii loogu talagalay. Sida caadada ahna marka ay yimaadan macaamil maqaayad laga cunteeyo waxaa waajib ah in lasoo dhaweeyo lana weydiiyo waxey rabaan qabow iyo kuleyl sidaas aawadeed bey Mary Jim ugu timid martidii iyadoo weydiineysa dalabkooda wuxuu yahay.

Jennifer oo tan iyo markii saakeydii hore lugu wargeliyey in marti dheeraad ahi imaneyso ayaan marna salka dhulka dhigin, wixii loo dirina si deg deg ah bey ku keentaa. Iyadoo meelaha car careysa bey odeyga xantiisa maqashay durba fiiris bey ugu dhaqaaqday dhagtana u dhigtay cida uu hadal hayo. Odeygi maahan mid caadi ah waa nin dumarka fiir fiirsha oo midduu u arko iney soo jiidasho leedahay ku fekero sidduu ku heli lahaa. Waxaan naag aheyn shaqo kama dhigto. Lacag buu leeyahay midduu heli karana iyadoo faraqa lacag ugu buuxdo ayey ka tagtaa. Waxey layaaban tahay cimriga uu ku jiro iyo sida uu howl adduun naag uga dhigtay. “Sidan buu aragaaga u yaalaaye maxaad naag ka qaadi kartaa” Intey iskula hadashay bey ka dhaqaaqday sey maantoo dhan u dhageysaneysay xantiisa.

Maqaayadu maanta waxey u muuqataa mid nasiib leh oo mar qura wada kulmisay odeyaal caan ka ah gobolka. Waxaa kamid ah Steven Richard, oo ah gudoomiyaha Bankiga, Johnny Schubert oo isagana ah maamulaha iskoolka.

Intey odeyada sugayeen dalabkooda ayaa waxa irida kasoo galay nin kamid ah askarta Shirifowga ee Sweet River.

Markuu askariga soo galay baa odeyadii isla wada qeyliyeen” Wooww! Sxb soo dhawoow maxaad cuneysaa”?
Mahadsanidiin, iminka ayaan soo cunay cunto waxaanse codsanayaa caffe aan cabo!.
Intuu sidaasi leeyahay waxey indhuhiisu ku meereysanayaa maqaayada wax jooga ileyn waa “askari iyo axwaalkiise”

Cambaar hadduu dadka fiir fiirnayey, ayey goor dambe indhihuusu waxey la lacaaeen Jennifer oo miis meelaha yaala tir tireysa dhidid iyo daalna meelaha mar mar la dhakaneysa. Waa miskiin saakeydii hore soo kalahday rabtana iney saacado shaqeyso si qutulyowmkeeda iyo tasiilaadka iskoolka u hesho. Askarigu waa shaxaari aan laftiisa yareyne, markey indhihuusu qabteen buu yiri “Tanni ma cirkey katimid adduunkan ma bajoogtee”
Marku sidaasi isagoon is ogeyn dhahaya ayaa odayadii agtiisa fadhiyey maqaleen oo yiraahdeen waa tee midaad leedahay adduunka ma joogto.

Indho taag baa kasoo haray sadexdii odey, waxey indhahoodu ka libiqsan waayeen lugaheedii ka muuqaty goonadii gaabneyd markuu u sheegay askriga qofta uu sheegao. Odey Faris waxaaba kasoo haray indho taag, cuntadii uu cuni lahaa intuu afka leyrinayey bey dhex ku qaboobeen.
Askariga laftiisa deymadii weli kama dhamaan, intey isweydiinayeen reeraha dhalay gabadhan indho deeraleyda ah, ayaa waxaa meel aan dhowr tilaabo maqaayda uga dheereyn baaburka soo dhigtay Matthew oo ah Odey Faaris wiilkiisa.

Matthew waa wiil laftiisa ka tilmaaman iskoolka iyo guud ahaan xaafada. Ma ahan mid sag saaga daruusta iskoolka dhamaan maadooyinka waxa uu ka heystaa darajo sare. Aabihii aad buu ugu kalsoon yahay wiilkiisa. Ileyn ninka ka warbixinaya heerkiisa waxbarasho waa maamulaha Iskoolka ay odeyga isla fadhiyaan oo ay isla qadeynayan maanta e.

Askarigii baa ku qeyliyey wiilkaagii baa halkan soo socda.
”Matthew! ”intuu yiri odeyga ayuu eegay halkii looga tilmaamay wiilkiisa. Waxa uu is weydiiyey waxa wiilkiisa halkan ka sameynayo ee aanu u joogin iskoolka.

Wiilka isagoo sita dharkii iskoolka iyo kuwii loogu talagay inuu ku ciyaaro Ciyaarka kubada cagta ee ”American Fotball”. Ayaa odeygii u gacanta haatiyey wiilka isagoo awalba usoo socday dhankooda.
”Waad salaaman tihiin”, ayuu yiri intuu kursi agtiisa yiilay soo laacay.

Markii la is salaamay ayuu u sheegay aabihiis inuu halkan u yimid inuu odeyga weydiisto lacag uu kusoo iibsado tikidhada ciyaar lugu wado iney dhacdo. Durbadiiba odeyga wixii jeebkiisa ku jiray bu gacanta ka saaray wiilkiisa. isaguna maaheyn mid xiiso u qaba inuu sii dhex fadhiyo odeyaashan wareersan. Intuu fadhigii ka kacay oo albaabka xagiisa aaday buu yiri ”waa inoo goor dambe iyo caawa aabbo ee nabadeey!”
Jennifer waxey qadar daqiiqado ka hor ah ogaatay in maanta ciyaar jirto oo Iskoolkoodu la ciyaarayo dugsi kale, sidaas bey uga qaadatay Mary Jim.
Wax yar kadib iyadoo aad moodo iney wiilka lasocotay imaatinkiisa iyo bixistiisa ayey iskaga horyimaadeen albaabka maqaayda iyadoo raba iney baxdo.

Aragtidiisa kuma cusba Jennifer, waxey aheyd sanadkii hore markey jeclaatay Matthew balse kuma dhici karrin iney u sheegato waxa ay dareemeyso.Jabkeeda waa qarsaneysay saaxiib ay la sheekeysatana oo sirta ku qarsato maba laheyn. Sababtoo ah waa iyadoo kasoo jeeda qosy dan yar. Dadka danta yar ee saboolka ahana waa la yasaa.

Intuu albaabka u qabtay ayuu ku yiri ”Ma iskoolkaad u socotaa aan horey kugu sii tuuree banaanka waa qabow darane?” Isma laheyn ninkan baa maalin gaarigiisa raaci doontaa, waxey la aheyd sheekadan riyo aysan weligeed ku riyoon iney ku riyooneysana aan hubin.
Intey korantadii ka tagay bey garan weysay waxey ku hadasho. Ninku qabow buu sheegaye iyada kuleyl aan lagaraneyn baa durba qabtay. ”Haa mahadsanid” intey tiri ayey kortay xagga hore ee gaarigii ninkey adduunka ugu jecleyd Matthew!


La soco cadadka dambe insha Allaah!


FG: Xaquuqda sheekadan tarjuman wey dhowran tahay.!

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com


 

 

 

About Somalina - Matchmaker - Forums - Chat - Contacts - Make Somalina your Home
Opinions expressed in the forums are the sole responsibility of their authors
Copyright ©2002-2005 Somalina
View Privacy policy and terms of use. All Rights Reserved