Home | Forums | Match Maker | Chat | News | Gallery |  Greetings |  Home & Family | Contact Us
google

   
  FORUMS
 General discussions  
 Love and relationships
 Get advice - ila tali  
 Back to school - baafin
Teens! 2young 2fast
 Tell your story
 Looking women 
 Looking men
Dikaan jaceyl 
Education and technology 
Jaceyl iyo guur
North America   
Europe   
Asia
Africa
Fanka iyo suugaanta
Sports - cayaaraha


Waa Sheeko, waxaana tarjuntay: Ikraam Cali-kaar

Qeybtii 2aad


Maankeedii waxaa geli waayey in ninka ay dhinac fadhiso uu yahay Matthew, misna uu isaga ka codsaday iney sii raacdo. In caalamku riyoonayo bey la aheyd, niyadey ka leedahay ”tani ma dhabaa mise waa dhalanteed”. Sababtoo ah waxey mararka qaar eersataa indhaha ay Matthew ku aragtay sanadkii hore kadib markii loo soo badalay dugsiga ay iminka wada dhigtaan. Maalintaa wixii ka dambeeyey cudur iyada u gooni ah baa hayey ee aan dadku la qabin. Haddey xitaa heli laheyd fursad ay ku sheegato waxey tabaneyso malaha waxaa geli lahaa karti ay wax badan ku ogaato sida xaalku yahay. Laakin taasi waxaa daaqada ka saaray daruufo gaar ah oo jira, aakhirkiina dantu ay baday in wiilka sawirkiisa ay ku dhegsato santuuqeeda iskoolka ee ay buugagta ku xareysato ardeydoo dhamina wada qabaan si ay u daawato.
Maantana kolkii ay aragtay aragiisa isagoo ordaya si kedis ahna ku soo galay maqaaxidii ay ka shaqeyneysay misna weydiiyey inuu horey iskoolka ugu sii tuuro waxey ku sigatay iney suuxdo, wadnihiina si dheeraad ah buu isku garaacay. Su’aalo badana maankeedii waa ka guuxeen. Laakin jawaab malaha.

Qudhiisa kama aheyn axsaan falis ee gabadhan wiilasha iskoolka oo dhami hadal hayaan aad ogaatid waxey tahay uun bey ka tahay. Sidaas buu ku yiri anigaa ku sii qaadaya. Wiilku inuu ka dhashay reero ladan waxaa sheegaya gaariguu wato oo ah nooca loo yaqaano Mustang 67 ee ku socdo. Jennifer weligeed gaari nooca sport-ka u sameysan ma raacin, iska daa qof (LIFTI) ahaan u qaaada xitaa maalin niyada ma gashan iney yeelan karto nasiiib ay ku iibsato maantase waxey la tahay riyo kamid ah kuwey ku riyoon jirtay ee aanay ogeyn goortey dhab noqonayaan.
Intaasoo dhan waxaa uga darran ninka dhowr sentimiter agteeda fadhiya oo wadno xanuun ku riday, indhaha ayey u dhameyn kariweysay intuu gaariga socday hadaba intey isha ku xado ka jeesaneysay intuusan soo fiirin.. Waxey is tiri hadaad fiiriska ka badiso armuu ku weydiiyaa waxey ka eegeyso.
Markuu dareemay iney isaga marna fiirineyso marna ka jeesaneyso buu hadalkii bilaabay. ”Kaffee-ga miyaad ka shaqeysa?” hadalkii ugu horeeyey ee afkiisa kasoo baxa ayey noqotay.
Madaxa ayey luxday oo macnaheedu yahay ”HAA”, iyadoo su’aasha iyo hadalka uu la hadlay ay yaab ku ahaayeen.

Subixyada qaar iyo habeenkii markaan galabkii iskoolka kasoo rawaxo ayaan haalkan imidaa. Markey intaas tiri bey aamustay,naqaskii baa ku xirmay, ag fadhigiisi baa dhib ku noqday wey dal dalmi laheyde awoodbaase u diiday. Erey kale afkeeda kama soo bixin jeer uu isagii hadaka qaatay markale.
Shaqo fiican oo ka hesho ma tahay?. buu hadana sii daba dhigay hadalki markuu arkay iney jawaab gaaban bixisay sina baqdin ugu jirto.
Labadoodiiba waxaad moodaa in midba midka kale hadalka ka sugayo, waa la aamusay qof walba goonidiisi baa maskaxda wax uga guuxayaan. Gabadha uu isaga xirriirka la leeyahay buu is weydiiyey hadey sida Jennifer oo kale u qurux badnaan laheyd uu nasiib yeelan lahaa. Eegmo ayuu markale ku celiyey Jennifer, wuxuu runsan la’yahay in gabadha sidan u quruxda badan ee iskoolka dhami la hadalhayo ay maanta si kedis ah isku ag fadhiyaan. Wejigeeda iyo indhaheeda baad soo jiitay muuqaalkeeda laga dareemayo daacadnimada iyo maskiinimada ka ayaa indhahiisa aragti cusub ku noqotay.
Intey adduunyo kale ka fekerayeen labadooda oo dareenadooda isku maqnaayeen baa la soo gaaray iskoolkii. Durba wuxuu gaarigii dhigtay halkii baabuurta loogu talagalay. Jennifer waxey aheyd tu cabsi ku jirte e intey gaarigii hal haleel uga dagtay bey tiri ”Mahadsanid sida naxariista leh ee aad ii soo dhaweysay” Intuusan u jawaabin Matthew, weyba ka libirtay meesha, waxa uun ka warhelay tiiyo meel in door u jirto jaran jarada sii koreyso.
Qosol dheer intuu ku dhiftay buu eegmo aan caadi aheyn ugu sii dhaqaaqay, lugaheedii caatada ahaa ee aaney goonadii gaabneyd u qarin buu indhaha hadana la siiracay. Qaar kamid ah asxaabtii Matthew oo meesha ka dhawaa ayaa arkay markey Jennifer kasoo dageysay gaarigiisa, qudheeda indhaha ayey ku dhifatay wiilasha meesha taag taagan, cabsi xoog leh baa ku abuurmay, waxey ogtahay in iskoolka maanta loogaga sheekeysan doono. Islamarkaasina gabadhii Matthew saxiibka laheyd ay is dagaali doonaan.
Halkiisii isagoo taagan bey saxiibayaalkiisi Joe BobWilson iyo Randy Huffner u yimaadeen.Waxey arkayeen waxa meesha ka dhacay, sheekaddu meeshey u socotona iney ogaadaan bey rabaan maahan salaan uma iman warjeceli bey iskoolka caan kaga yihiin.
Haye, saaxiibkeen bey mar qura wada yiraahdeen joe iyo Randy! Xalay xageed seexatay qof qurux badana baabuurka wey kasoo dagtaye? Indhaha ayuu ku gubay markuu maqlay su’aasha qaabka darran ee la weydiiyey,” markaasuu yiri naga aamusa waad waalan tihiine”.
Xageen seexan lahaa sow guri malihi, gabadhana jidkey mareysay iyadoo iskoolka u socto ayaan soo dhaweeyey oo keliya. Mardamana hadalo eydaan ka fiirsana ha I oranina haddii kale sidan bey saaxiibtanimadeeni ku dhamaaneysa.
Waayahay waayahay, saaxiib hanaga xumaan waxaan rabnay oo keliya inaan ogaano qoftan meeshaad ka keentay. “OK” intuu dhahay buu yiri iga raali ahaada lafteyda baryahan dhibaayin gaar ah baa igu furan.
Markuu soo galay iskoolki ayuu tagay saaxiibtiisi Shelly oo ku sugeysa sanduuqii buugagata gashan jiray. Waa tu yarroo shido badan, markuu indhaha ku dhiftay buu damcay wejigeedii laga cabsanayo is moogeysiiyo isagoo bilaabay inuu buugagatiisi kasoo baxsado santuuqa.
Haye! Ayuu ku salaamay inteysan hadal kale uusan jecleysan ka horkeenin. waa caado uu ku yaqaano iney kiiska iska waasho mararka qaar. Maantase Sheydaanka saaran wejigeedey ka muuqataa. Si dagaan ku jirto bey u rogaal celisay salaantiisi aheyd ”haye” una sii daba dhigtay HAYE, maahee hadal kale maheysid sow maahan . Iyadoo markan dambe si u muujinesay carro heysa, laakinse aan la ogeyn halkey ka didsan tahay.
Markuu arkay iney tahay maalmaha jinniyaheeda joogo, ayuu inta xiray sanduuqii uu ka baxsanayey buugagta ka aamusay, wuxuu aad u necbeystay in meel caam ah oo dadku ku badan yihiin kula murmo.
Muddadii labada sanno aheyd ee xirriirka ka dhaxeeyey Shelly iyo Matthew, dadku waxey ku sheegeen iney yihin dad isku fiican oo dhankasta iskula jaan qaadi karra. Isaguse mararka qaar ma arko waxa dadku ay sheegayaan. Ruux muran badan oo hadana isla qub weyn ayaa maalin walba hortiisa ka muuqata garna aan gelin xitaa aan u quurin iney dhageysato ruuxa lamaanaheeda ah.
Iyadasu waxey isku aragtaa iney tahay gabadha lugu sheegay iney iskoolka ugu qurux badan tahay,kana muuqato ladnaan iyo kibir aad u weyn maskaxdana kaheysata nin lacag leh wiilkiisa. Khalanjada Jennifer-se kolkii ay bilowday iskoolka waxaa meesha ka qubweynidii iyo quruxda Shelly lugu sheegi jiray. Tanina waa mida wel welka ku heysa, sababtoo ah Jennifer waxey leedahay qaab dhismeed dadka soo jiita, indhaheeda buluuga ah iyo wejiga dhuuban, timaha quruxda leh ee Ilaahey dhererka u dhameeyey ayaa ah kuwo marka aad sii eegto ka dhargeynin oo dareenkaaga kugu qasbayo inaad uun daawato.

 

Waxey meesha utimid inuu sharaxaad ka bixiyo waxa ka jira ee la xirriira Jennifer.
Maxaan kuu sheegaa oo aad iga rabtaa?? ayuu weydiiyey isagoo neceb la hadalka uu waqtigan lahadlayo.
Lynn baa ku arkay adigoo la socoda Jennifer iskoolka, gaarigaadana ay xagga hore saarneyd bey tiri iyadoo rabta in loo sheego sheekada oo dhan min bilow ilaa dhamaad.
Wax jiray ma jiraan oo na dhexmaray aniga iyo gabadhaas hadaad shaki qabto, waan soo dhaweeyey oo keliya sababtuna waa iyadoo qabow darran uu jiray banaanka taasina maahan ceeb iyo dembi. buu isku difaacay isagoo ay ku adag tahay inuu dhageysto midan muranka la soo taagan.
”Wax jira ma jiraan” baad leedahay sow maahan, ma ogtahay ardeyda iskoolka iney igu sheekeysanayaan waxaad sameysay? ayey si carro leh u tiri Shelly oo muujineysay sida ay xaq ugu leedahay inuu dhowro sumcadeeda si aan dadku ugu sheekeysan. Waaba haddii xirriirkoodu yahay mid xageeda ka bad baadin karta.
Maxey oranayaan ardeyda aad sheegeyso wax na dhexmaray ma jiraan aniga iyo gabadhaas ku iri ma fahantay hadalkeyga??
Macnahaagu dadka axsaan ha u sameyn miyaa? Koley sidaas baan u fahmay, laakin aniga sidaada oo kale ma ihi waxaan ahay nin naxariis badan ee la soco. Intuu ku yiri buu ka dhaqaaqay.
Waxey isku dayday iney celiso markuu damcay inuu dhaqaaqo si uu raaligareyn uga baxsho waxa uu , intuu gacanteeda iska tuuray buu galaaskii galay. Laakinse maanta uma muuqan nin sheekadaasi diyaar u ah. Horey bey qeylo iyo buuq raaxada uga qaaday ixitiraamkii uu muujinayey ayey mooday inuu yahay nin ay ka adagtahay oo sidey doonto ula hadasho.
Isku dhacyo badan oo yimid muddadey xirriirka lahaayeen ayuu weligiis ahaa mid had iyo jeer ka roonada dhowr jeerna waxey danta kaliftay inuu u hoydo oo garka iyo guntaha qabsado si aysan u kala tegin. Maantase taasi meesha kama fileyso iney dhacdo waayo ninka dulqaadkii ba ka dhamaaday hadey carooto ama kala tagaan wuu jeclaan lahaa. Arrinta ku saabsanse Jennifer marna ma daneynayo inuu kaga hadlo sidey tahay dan bey meesha uga tageysaa maahee.
Matthew ladnaanta ka muuqata ee uu yahay nin maalqabeen ah wiilkiisa waxaa maanta hareeyey dhibaatooyinka heysta waalidkiis kadib markuu ogaaday iney go’aansadeen iney is furayaan. Islaantii Mrs Fares ee hooyadiis aheyd waxey jecleysatay iney ku laabato gobolka ay ka timid ee Goergia, marba hadey odeyga kala tageen fadhi uma yaallo. Arrimahaasi dhamaan waxey badeen wiilkii yaraa inuu fekero oo isla hadlo.
Asxaabtiisa Joe, Randy iyo Keith haddu u tegi lahaa ma jecla inuu sheego arimo famili wuxuu ogyahay in iskoolkoo dhami furiinka waalidkiis la gariirayo. Marka waa inuu meel kale diiradda saara oo isku ilowsiiya mashaakilka waalidkiis. Wuxuu soo xasuustay Jennifer iyo maqaaxideedii Kaffee-ga.
Iyadduu dareemay agteeda in daganaan laga helayo. Inkastoo arageeda markii ugu dambeysay ay u muuqatay mid cabsaneysa sida uu doonayeyna aan ugu mahadniqin, hadana waxey ku guuleysatay saacadan dhibka qaaska ah hayo inuu soo xasuusto.
Xagiisa iminka qiimo sidaas ah ugama laha, waxa keliya ee meesha yaal waa isagoo isxaan u sameeyey haddey maanta ka fekerto inuu rabo waa mid aan soconeyn, laakin wuxuu xasuustay iney mar uun ku qososhay hadal uu yiri markey gaarigiisi saarneyd maalintii muuqaal ahaan ugu dambeysay uguna horeysay.
Iyaduse waxey la aheyd soo dhaweyntii uu soo dhaweeyey wax weyn, xasuusteedii gaarka ahana waxaa ka bixi waayeey aragiisi habeen walba kolka ay seexaneyso waxey maskaxdeeda ka shidaa filimo qurux badan oo midba midka kale ka qurux badan yahay.

Lasoco cadadka dambe insha Allaah………..!!


FG: Xaquuqda sheekadan tarjuman wey dhowran tahay.!

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com


 

 

 

About Somalina - Matchmaker - Forums - Chat - Contacts - Make Somalina your Home
Opinions expressed in the forums are the sole responsibility of their authors
Copyright ©2002-2005 Somalina
View Privacy policy and terms of use. All Rights Reserved