Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Hordhac
Bulshadda Soomaaliyeed marka laga faalloonayo
waxaa lugu sheegaa siyaallo kala duwan haddii ay ahaan laheyd dhanka
fiican ee ku saleysan dhaqanka, diinta suuban iyo caadooyinka u
gaarka ah ee aan cidi la wadaagin, taasoo dadka lafo gura dhaqamada
ay ka bixiyaan sawir qurxoon oo aad kuu soo jiidanaya. Hase ahaatee
kolka laga eeggo dhinaca xuna waxaa aad loogu fogaadaa aqoon darrada
heysata dadka soomaalida ah, taasina aasaas looga dhigo dhibaatada
kasta oo timaada bulshadana la xirriira. Ummadda soomaaliyeedna
kolkii ay dagaalada sokeeye dalkooda ka dilaaceen waxaa u soo
barakaceen dalal shiyeeye , waxaana ay magansadeen dhaqamo siloon,
afaf qalaad oo ay kala kulmeen dadyowga ay u yimaadeen.
Durba waxaa abuurmay wax la yiraahdo isfaham
waa iyo is qab qabsi ka dhex oogmay bulshada soomaaliyeed dhexdeeda
gaar ahaan carruurtii iyo waalidkii. Tanina waxey keentay kolkii
dhalinyarro badan oo reer galbeedka u soo qaxay ay aamineen amaba
laga dhaa dhaacsiiyey iney waxey doonaan sameyn karaan iyagoon cidna
kala tashan waalidkii is hortaagana ay markaasi dacwad ku soo oogi
karaan, tanoo noqotay mid laf dhuun gashay ku noqotay waalidiin
badan oo soomaaliyeed oo weli xasuustoodu ku danbeyso dhaqankii iyo
in xitaa derisku canaan karro carruurtaada kolka ay sameeyaan wax
qalad ah.
Si kastaaba arintu ha ahaatee sheekadan loogu
magac daray “Miyaan dooqa keligeey laheyn?” waxaa ay ka hadleysaa
cadaadiska ay weli waalidiinta soomaaliyeed ku hayaan ubbadkooda
taasoo aan marnaba siin wax mudnaan ah in carruurtu ay dooran karaan
ruuxa ay nolosha la wadaagayaan kolka ay gaaraan xilliga guurka, oo
ay fiiriyaan dantooda keliya. Waxaad arkeysaa Aabbe soomaaliyeed oo
gabadhiisa ama wiilka ku qasbaya ruux uusan rebin, waxaa misna
suuragal ah in Aabahaasi ugu daray gabadhiisa nin aysan rebin
dhaqaalo darteed ama uu balan ka qaaday nin kale oo ganacsade oo u
arko inuu uga bixi karro saboolnimada heysa.
Hadaba qisadan waxey ka dhacday qurbaha aan ku nool nahay gaar ahaan
reer galbeedka, waxeyna ku tusineysaa sheekadani inuusan marna
dhaqankii soomaaliyeed ee shalay ka hor dagaaladii dalka aanu weli
ku iman wax isbadal ah marka ay timaado xulashada carruurta ay
xulanayaan lamaanahooda. Amran oo ah gabdha ay qisadan ka hadleyso
waxaa ay nolosha kala kulantay murgo iyo cadaadis badan oo ugu yimid
waalidkii dhalay iyo walaalaheedii, kadib markii ay diideen iney
aqbalaan amaba ogolaadaan wiilka ay Amran u dooratay nolosheeda inuu
la wadaago. Waxaana hooyaddii dhashay Amran u sheegtay iney u
guurineyso wiilka walaalkeed dhalay haddii ay diidana ay deyro ka
tahay reerka.
Qisadani waa mid ku dheehan xanuun, murugo
iyo hilow kalgaceyl uu qabo ruux bartanka kaga taagan jaceyl curdan
ah oo u baahan xanaano iyo daryeel. Waana sheeko inta aad ku jirto
aqrinteeda aad dareemeyso naxariis la’aanta soo jawahday qof dumar
ah oo ku hamiyeysay iney nolosha lawadaagto wiilka ay ka dooratay
gayaankeed, hadana la kowsatay tacdiyo waalid iyo texgelin la’aan
dooqeeda iyo ruuxa ay dooratay.
“Sheekadan oo mustaqabalka dhow ku soo
baxeysa buug ahaan waxaan u hibeeyey fanaaniintii caan baxay ee
Aamina C/llaahi iyo Seynab Xaaji Cali (Baxsan) oo aan fankooda
jecelahay!”
Qeybtii 1aad:
Waxa ay goor aroor ah cirkuna ku gadaaman
yahay mugdigii habeenimo waxaad moodaa inaanu waagii baryin kolka
aad eegto sida ay carrada u tahay mugdi madow, hadana marka aad sii
mlicsato goor sheegtada (saacadda) waxaad ogeynaa in waagii baryey
mar hore. Balse cimiladu sidaasi u tahay caado kolka la gaaro
xilligeeda. Qabow aad u xun baa dhacaya dadkuna waxaad moodaa awr
rarkii laga badiyey oo culeys aawgiis dhaqaaqi waayey, ileyn dhar
culus bey xiran yihiin oo ay kaga dugaashanayaan qabowga daran ee
jiira.
Amranse iyadoo aad moodid iney qabar daar ka
tahay cimilada halka ay joogto ayey iska soctaa, dhar sidaas u
buuran maheysato oo ay kaga gaashaamato qabowga, balse dhar wey
xiran tahay oo lama orana karro wey dhar la'dahay. Laakin si bey
isku la'dahay. Guriga ay degan yihiin dhowr talaabo ayuu u jiraa
rugta basaska xaafada laga raaco gaadiidka. Amran iyadoo laga
aqrisan karro dhiilada wejigeeda saaran ayey timid halkii lugu
sugayey baska, waxeyna dareemaysay daal aad u daran iyo hurdo la’aan
lasoo deristay labadaan berri. Waxaa hareeraha meesha lugu sugayo
baska taagnaa dad badan oo ay soomaali ka mid yihiin. Mase sii
fiirin waxa ay yihiin oo maqaar madoobidooda ayey aragtay iney
soomaali yihiin umase juuqin oo waxaa weli maskaxdeedii ka guuxaya
qeyladii islaanta hooyadeed ahaa iyo wiilkii walaalkeed ee isna ugu
hanjabay inuu dilli doono hadeysan ka maqal warka hooyadeed.
Qurbaha kolka la yimaado dhul jaceylka iyo
xiisaha dadkaaga waa kugu bataan oo ma deysid deymada ruuxa aad u
moodo inuu soomaali yahay, sidaas daraadeed Amran iyadoon subaxaasi
ku heyn maskaxda iney qofna la hadasho ayey maqashay ruux ku
salaamaya salaanta Islaamka "Salaama caleykum", iyadoon sii eegin
bey ka qaaday qofkii salaamay "wacaleykuma salaam". Wax yar kadib
ruuxii salaamay baa hadana ku celieyey "walaal waa meeqo saac"
Cajiib! salaan lee isku ogaaye maxaa hadana saacad weydiintaan” bey
iskula hadashay! Inkastoo aysan jeceleyn iney lasii hadasho
ruuxii sacada weydiiyey mowjad kale oo ku furnaa awgeed, misna waxey
muujisay dabacsanaan waxeyna u sheegtay saacaddu intey aheyd. "Mahadsanid"
baa ugu xiggay erey ay maqasho, laakinse weli ma arag ruuxa salaamay
muuqaalkiisa ee waxaa galay shaki ah iney labo qof la hadashay iyo
inkale.
Intey maskax ahaan isku mashquulsaneyd baa
baskii soo istaagay meesha, markii ay kortay baska oo weliba
hubsatay iney fadhido booskeeda ayey ogaataay ruuxii goor dhaweyto
salaamay misna saacada intey tahay weydiiyey inuu ahaa hal ruux,
ileyn waa tii ay ka shakisaneyd e. Waxey ogaatay inuu ahaa wiil
soomaaliyeed oo taagnaa bartii lugu sugayey basaska. waxeyse
isweydiisay sababta uu weydiiyey saacada. Malaha maanka kuma heyso
in qofka uusan heysan karin saacad ama uu guriga uga soo tegi karro
ee waxey u qaadatay weydiintu "hadal bilowgiis e" . Amran ma
diidaneyn wiilka inuu wax weydiiye e waxaa subaxaasi ku furnaa buuq
badan oo ka qeylinayey maskaxdeeda, walow uu dareenkeedii soo jiitay
markii ay aragiisa aragtay kolkii ay ku fiiray il qooraan, hase
ahaatee dan kama gelin e waxey sii raacatay danaheedii gaarka.
Sodon daqiiqo kadib Amran waxey timid iskoolkeedii walow aysan
subaxaasi haba yaraatee xiisad laheyn, hadana waxaa qorshaha ugu
jiray iney maalintaasi iska joogto guriga oo ku nasato, laakinse
haddii ay joogi laheyd guriga waxeysan ka nabad gasheen buuq iyo
qeylada hooyadeed oo ay baryahan isku aheen sidii hore waa labo
daran mid doorrro.
Iskoolkii bey timid ma taqaan meel ay jaaha
saarto, saaxiibayaalkeed qaar baa xiisada ku jira oo uma geli karto
fasalka, wayse ku qasban tahay iney sugto inta ay ugu soo
dhamaaneyso xiisadda. Iyadoo si hoosta uga guuxeysa ayey u luuday
dhankii maqaaxida ee laga cabo qaxwaha oo ay iskaga sugtay
saaxibayaalkeeda walow ay daahsatay imaanshahooda. In door ah
markii ay fadhisay meeshay ayey soo baxeen Sucaad iyo Caasha oo ah
labada ay ugu kalsooni badan tahay saaxibayaalkeeda kale. Meeshii
waxaa ka bilowday isbariidin iyo isnabadeyn, waxaana la galay sheeko
iyo inuu ka sheekeyo qof walba sida ay xaaladiisa tahay iyo waxa u
qorsheysan iney qabto maanta gelinka danbe kolka laga soo rawaxo
iskoolka ama laga yimaado.
Lasoco cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|