Qeybtii 10aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Jaaniskaa ba’a intey hoos ka tiri ayey hadalkii u raacisay
”waan soo fekeri doonaa haddii Alla idmo ee nabadgalyo!”. Intey u
dhaqaaqday xaggii guriga ayey misna dib ugu soo laabatay isagii oo
wel meesha taagan markaasey ku tiri ”Ma salaameysa islaantii
habaryartaa aheyd mise meel baad ku socotaa?” Weydiintaasi kama ahan
in hooyadeed salaamo ee waxey ka tahay aad ogaatid waxa uu islaanta
u akhriyo iyadana ay u sheegto iyo fikirka ay ka qaadan doonto
markey maqasho in gabadheeda ay ninkale xirriir la
leedahay.
Isna
waa intuu rabay malaha uu heli karro tallo wax ku ool ah una sheego
Islaantu meesha gabadheeda ka joogto. ”Haa abaayo waa runtaa, waan
ilaaway inaan habaryar soo salaamo haddii kale waxey leedahay wiilku
waa kugu caasiyoobay” intuu yiri buu gaariga xagiisa u dhaqaaqay si
uu hubsado in wax walba Ok yihiin sin aan looga xadin.
Isagoon
awalba rabin inuu gallo guriga, marba haddii Amran aysan sheekada uu
wato diyaar u aheyn wax u yaallo meesha ayaan jirin wuxuuse ku jiifa
in Islaanta ay garabkiisa tahay wax ka haalabayana aysan
jirin.
Islaantii markey maqashay sharqanta furaha ee in lasoo galayo
guriga ayey inta soo koobtay taleefankii ay ku hadleysay u soo
dhaqaaqday xaggii gabadhedi iyo Cabbaas oo aan weli soo gelin guriga
.
”Waryaa
Cabbaas xageed ka dhacday ayaantan, maxaa dhacay haddii waalid iyo
ilmo la isku yahay ma inaan la isa salaamin baa waan kuu jeeday
inaad irida ka laaban rabtay Amran baase ku tiri kaalay salaan
habaryartaa e. Waaggii hore waxaad aheyd wiil iga fekeri jiray oo
salaanta aan ila geesmari jirine hadase malaha arrimo kale baa kula
soo gudboonaday?” Islaantu markey sidaasi leedahay waxey ugu
darnaaneysay gabadheeda oo aan dhowr talaabo sidaasi uga fogeyn
daarada dhexe. Mase kala jecla Amran dhago hadalkasta oo iyada loogu
jeedo. Intey qososhay bey madaxa luxday oo tiri ”Illaahow nimaan wax
ogeyn ha cadaabin, weligiinba sarbeeba hadalka dan iyo heellose kama
lihi muxaaradada beenta ah ee la iskugu raaxeynayo.
”Maya
habaryar, sidaas maahan waad ogtahay inaad hooyadey camal ii tahay
sideen salaanta kuula garabmarayaa. Hooyo walaahi waan
iskamashquulay shaqadii waad ogtahay wadankaan hadaan la shaqeysan
qiimo layeelanayo. Markasta Maxamuud aan arkaa isagaan kaa wareystaa
ayaamahan ismoogeyn.” ayuu inta yiri horey u sii raacay islaantii oo
leh ”Soo gal hooyo oo kaalay fariiso aad wax cabtidee”. Islaantu wey
dareensan tahay in gabadhu iyo wiilku aaney jidka iska soo helinee
ay balansanaayeen.
Waxey
dooneysa iney ogaato wixii dhacay. Cidey warkaasi ka heli karto waa
Cabbaas oo u dhugo nugul warkeeda si uu hello Amran. Waan dhawahay
hooyo ee maxaad heysaa adiga caafimaadkaga iiwaran iyo hadalo kale
oo isnabadey ah ayuu weli daba wada intey u socdeen fadhiga
xagiisa.
Amran
oo aan jecleysan sii joogista meesha ayaa markey hooyadeed salaantay
iyadoo qolkeeda u socota tiri soo dhawoow walaal guriga gurigaagi
waaye ha is martiyeen waan soo labanayaa e.
Illaahow wejigiisa kaa qari bey taagan tahay soo laabasho ay
u soo laabato iska daaye. Ifka kan maxaa loo uumayna waa
isweydiisay. Abuurtay Illaahey mey badali akrtaa hee. Sidaase kaga
fakanmeyso ninka wuxuu fadhiyaa gurigii, Islaantina waxey ka sugeysa
inuu u waramo siddii weriye SONNA oo kalle. Haddey intey door ah
iska wareysteen xaaladda guud ahaaneed ayey islaanti tiri “Iiwaran
maandhow maanta xaalku waxaad moodaa in intii hore aad iskaga soo
dhawaanteen walaasha ee maxaa isbadal ah oo yimid, xageese ka
timaadeen? Mise jidkaad iska soo hesheen?”
- Maya
habaryar jidka iskameynaan soo helin ee waanu balansaney, waxaanu
jirnay meel maqaayad ah oo aan ku sheekeysaneynay. Waad ogtahay in
Amran aan jecalahay oo aan rabo iney oorideyda noqoto. Hase ahaatee
wax isbadal iyo isku soo dhawaansho ah ma jirto.
Maanta
waxey ii cadeysay ineysan diyaar u aheyn xirriir nadhexmara sababtoo
ah waa iyadoo xirriir uu kala dhaxeeyo wiil ay iigu sheegtay inuu
dagan yahay dalka Ingiriiska. Islaantii markey maqashay in
gabadheeda nin kale ay hamiga kuheyso ayey ku sigatay iney muraal
dilaacdo. Waxey ogaatay sababta gabadheeda ay u diideyso wiilka ay
la rabto. Tuhinkii ay islaanta ka qabay in xirriir kale uu jiro ayey
maanta ogaatay.
-
Xaqiiqdii ma aqaano si aan waxyeello qof aan ku rabin inaad hesho
waa wax aad u adag. Hadey dhacdo in ruuxaasi aad nolol lawadaagtana
waxaa adkaaneysa in wax badan qabsoomaan loona dhaqmo si dabiici ah.
Marka habaryar Illaahey baa tallo ku filan, walaashey ima rabto ee
waxba haqsbin ninkey rabtana yaan loo diidin haddii kale waxaa
dhaceysa arrimo badan oo laga qoomameeyo.
Islaantii inkastoo hadalkaasi dambe ee Cabbaas uu ku reebay
dareen xoogan hadana waxey dooneysa iney dhaqankii iyo caadooyinkii
ay lahaayeen ay muujiso, taasoo ah mid ku saleysan ja juub iyo xoog
la adeegsado.
Amran
markey qolkeedi gashay hoostana kasoo xiratay ayey sariirta isku
tuurtay siddii wax waalan oo kale. Waxey aad ugu qoomameysay
raacistii ay maanta raacday ninkii Cabbaas ahaa. ”Adduunyada hadduu
nacas jiro Wallee kan baa ah” Intey tiri bey sariirti dhinac kale
uga jeesatay.
”Laakin
maxaan ugu shaleynayaa waan ku faraxsanahay inaan u sheegay wixii
caloosheyda ku jiray maxaa adduunkan qasab iyo is jiid jiid Illaahey
ma abuurine kuma rabo kuma rabo aa ku filan, hadduu diido waxaan u
sheegay isagaa cirka biyo ka cabaya” ayey markale tiri . Isla hadal
ayba ka bixi weysay waxaa waxweyn la noqday in ruux dhan oo Illaahey
abuuray lugu qasbo wuxuusan rabin.
”Kaalay
maan u tago Cabbaaskii waalnaa iyo islaanti aan soo dhageysto waxey
isku gurayaan” bey iskula hadashay sariirtiina kasoo booday iyadoo
haabaneysa maro weyn oo ay hagaagato, markey qolkeedi kasoo baxday
ayey xasuustay in waqtigan ay habooneyn ee bal ay kaadiso inta uu ka
baxo, markaasina eeggto falka ay Islaantu sameyso qolkeed bey dib
ugu laabatay.
- Hooyo
waxba ha wel welin, sidaan horey kuugu sheegay weeyaanAmran nimaan
adiga aheyn u dhiximeyso. Ninkan aad sheegeyso anigu war umahayo
waanse dareensanaa inuu jiro shaqsi kale oo casharo been ah u
akhriyey gabdheyda. Laakin dhabtu waxey tahay caadadii aan laheyn
inaan lugu xadgudbin gabdhaheena wey ku dhaqmi jireen, balse midan
aan dhalay baa meel kale rabta iney haweysato waase arrin aan u
soconeyn.
-
Habaryar fiiri waxba ha qasbin walaashey waxaan u sheegay iney
jaanis i siiso kana soo fekerto, waxaa dhici karta ninkan baas inaan
ka fiicnaado. Iyadana inkastoo diidmo qayaxan ay ii muujisay hadana
waxey tiri waan soo fekeraya, walow aanan hubin iney isiineyso
jawaab lugu qanci karro.
Isla fiicana wiilku oo
maangaabsanaa, ma naag meeli u cadahay baa soo fekereysa, mise Amran
baa ninkey jecleyd sahal ku ilaaweysa kana baxeyso axdigii adkaa ee
dhexmaray?? Waa nin quud aan jirin qoryo u guranaya ee Allow yaa
yiraah ka joog!
- Marka
hadda waan sii tagayaa kow dheh ee aan iska warheyno, Maxamuudna
caawan is arkeynaa markale ayaan kaaga mahadcelinayaa habaryar
wanaagaad ii heyso walaasheyna Illaahey niyadeeda ha isoo
jeediyo!
-
Xageed u ordeysaa maandhow joog oo nala cashee see waaye guriga waa
gurigaagii adiga dhan carar baad ku jirtaaye. Ayey tiri Islaantii oo
weli rabta inuu sii joogo si ay cambaar u sheekeystaan. Ma nin
meel aan laga rabin fadhiga u yaala ayaa jira, waa inuu meeesha ka
tagaa intey goori goor tahay. Wuu jeclaan lahaa in habarta inta u
yeerto Amran ay hortiisa ku canaanato markaasina ay si wadajir ah u
ogaadan waxa Amran ay u diidan tahay guurkiisa. Laakinse wuxuu is
yiri intey inta hortaaga hadal aan munaasib aheyn lugu dhaho ay
aragaaga kasii carari laheyd waxaa kuu roon inaad hadeer kabahaaga
banaanka ku gashato.
Intuu
fadhigii ka kacay ayuu yiri ”Haye hee habaryar khery ayaan kaaga
tagay ee waa inoo markale anigaa beriro insha Allaah idiin wacayo,
walaasheyna igu salaan! albaabkiina kasii baxay.
Duq
Faadumo hadey fursad ay furka ku tuurato heysataa waa iney daabkeedi
soo diyaarsataa. Ma gabadheedii oo guur doon ah bey dili kartaa waa
laga soo tagay xilligii carruurnimada. Inan qaan gar gacan u qaad
waa dhibaato.
Laakin
habartu markan gacan ka hadal iyo wax ka xunba waa u diyaar, waayo
qoyskii dhamaa ee ku haminayey in gabadheedii iyo Cabbaas Cumar la
isku darro ayaa rajadeeda xuntahay. Islaantu waxaa kaweyn in lugu
sheekeysto oo lugu tilmaamo mid aan carruurteedi ka adkaan karrin.
Markey xasuusato Islaamaha ay heybtada wadaagan ee gabdhahooda u
taliya sidey rabaana yeela madaxaa derbi oo kale la
’ekaada.
”Odeygii dhalay baa faraha ka baxshee maxaan ka qaban karaa?
Markey wax ka qabashada u baahneydna isagaa qarar iyo buuro ka
tuuraye, waase aniga iyo hadeer tarbiyo cusub” bey intey tiri u
yeertay Amrantii qolka ku jirta.
Amran
oo iska dhigeysa warjira moog ayaa qolkeedi kasoo baxday una timid
Islaantii oo aad u kareysa sidii dheri dabka lugu ilaaway. Kursigii
ugu sokeeyey bey ku fariisatay iyadoo habarta fiirineysa iskana
ilaalineysa in gacanta hadal looga dhigo yeeristaankeedi.
”Haa
hooyo waa ikanaa ee maxaa dhacay”. Islaantii intey indhaha ku
kuurtay bey tiri. Maxaa dhacay miyaad leedahay sow isma ogid waxaad
sameyneysid. Ma waxaad moodey inaan lugu ogeyn?. - Hooyo
meeshaad ka hadleyso ma ogiye maxaa jira ma wax xun baa
sameeyey?
- Wax
xun iyo wax caqligu diido ayaad sameysay. Sababtoo ah arimo aan
halkan horey uga hadalnay baa meesheedii taagan. Marka ha iska
dhigin ruuxaan wax ogeyn.
- Maxaa
kuu qorsheysan? Cabbaas maanta waad is aragteen sow
maahan?
- Haa,
hooyo waan is aragnay waan isla soo qadeynay, walaalkeey waaye maxaa
ku jaban? Su’aal rogaal celis ah bey jawaabteedi ka
dhigtay.
-
Maxaad kawada hasheen adiga iyo ina habreedkaa?
- Hooyo
wax siyaado ah oo aan ka hadalnay ma jirto waxa uu ii sheegay inuu
rabo in xirriir ila yeesho, koley waa arrin aad halkan wad wadeen,
marka sheekadiisaasi iguma cusba xiisana igumaheyso.
- Haye,
maxey jawaabtada noqotay oo aad u sheegtay?
-
Xaqiiqdii hooyo waxaan u sheegay majirto walaaltanimo iney naga
dhaxeyso damaciisana uu dib ula laabto intaas baan u sheegay oo
keliya. Ee maxey tahay sababtaad ii weydiineyso, koley waan ogahay
waxaad dooneysaan labadiina. Hase ahaatee aniga mowqifkeyga waa
kiisi aad ogaalka u aheyd marna ma badalayo.
Dhabtase hadaan kuu sheego waa anigoo xirriir naga dhaxeeyo
wiilkale oo dhawanahanba sheeko noo socotay. Mana ila qumana inaan
balantii aan qaaday ka baxo.
Islaantii markey kasoo baxday afkii Amran in meesha uu jiro
wiil ay ku hamiyeyso, ayey inta is heynweysay soo haabatay
taleefankii ay ku hadleysa ku tuurtay Amran oo aan iska jirin kagana
dhufatay gacantii ay iskaga dhigtay. Meeshii dagaal iyo gacan ka
hadal ayey isku badashay. Amran iskuma dayin iney cararto, waxeyse
gashay is difaac xoogan. Waxey bilowday iney hadalo dabacsan ku
hadasho una sheegto in sida ay moodeyso aaney aheyn. Qasab iyo ja
juubna aan xal noqoneyn ee waalid iyo ilmihiis sii kala geyneyso.
Markii laga maqli warka islaantiina ay qeylineyso Amran ciil iyo
carro ayey isla heynweysay waxaana dhagaha ugu shubtay hooyadeed
jawaab laga naxo.
- Hooyo
diid ama ha diidin, hadalkeygii waa kii weli warkeyga ha
gallo.
- Eyga
xun ee Cabbaas intaan guursan lahaa waxaa ii dhaanta inaan dhinto oo
qabri la I geliyo.
- Haa
waa runtaa ayey tiri Islaantii in meeshii aabaha kabaxay aad baxdo
ayaad kuu fiiicneyd waxaan ceeb iyo calool xumo aheyn nalooma
joogtid e. Balanse baan ku qaaday meeshey gaarto sheekadan ha daadan
ka biyo cabin, duco iyo deyro bey noqoneysa xaaladaada.!! Ee iiga
bax qolkeyga aragaagana iga qari meel daran kabaxee!
“Waayahay hooyo aan arko meeshey wanaajinta Cabbaas iyo
xushmeynta aad u heyso xayawankan ay geyso. Anigoo gabadhaadi ah
waxaad ka shaqeyneysaa murugeyda mustabal la’’aanteydii ogow hooyo
inaan ku cafineyn. Maantana in uu arageyga kuugu dambeyn doono ku
bishaareyso!” Intey tiri ayey ka baxday qolkii iyadoo aad moodid
waran laganay u fakatay dibada ileyn weli dharkii ay kaga timid
banaanka iskama siibine!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|