Qeybtii 11aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Ciil iyo carro xoogan baa ka muuqda wejigeedi, kasokow
hadddey albaabka ka baxdo oo ay ka dhabeyso ineysan reerka ku soo
laabaneyn ma taqaano meel ay jihadda saarto. Caddaadiska guriga iyo
guurka qasabka ah waa labo arrimoood ee quus ku riday rajadii ay
qabtay. Banaankey u soo baxday iyadoo ooyeysa, ma taqaano waxey
sameyso meello fiir fiiris baa kasoo haray. “Dib ma u laabataa” ayey
iskula hadashay hadana waxey ogtahay wejigii ay hadeer ku soo kala
tageen iyada iyo hooyadeed inaanu wanaagsaneyn oo islaantii meesha
kasiimiisaneyso dagaalkeed aan afka ku ekeyn ee gacan ka hadalka u
dheera.
Wey soo
baxday oo waxey soo raacday baskii geyn lahaa xaafadda saaxiibted
Caasho. Shan iyo toban daqiiqo kadib waxey u timid saxiibteed Caasho
oo markaasi nasiib wanaag iyadana ka timid banaanka. Waa leysa
salaamay oo inta la iska dhunkaday labada daan la iskulana dhaqaaqay
wareysi sida qof walba xaaladiisa gaar ahaaned yahay maalmahey kala
maqnaayeen. Caasho durba waa dareentay in maanta saxiibteed wax si
ka yihiin indhaheeda oohin daraadiis la gaduutay baa u sheegay
ineysan xaaladdu caadi aheyn. “Amraneey abaayo maanta kugu dhacay
miyaad jiran tahay, mise wax kale ayaa jirro?” ayey weydiisay
Caasho. Oohin bey afka labadiis furatay meeshii laga sugayey jawaab.
“Abaayo ma aqaano si aan ahay iyo waxaan sheego intaba” intey tiri
bey halkeedii fiq fiqdii kasii waday. Caasho markey aragtay iney
saxiibteed ooyeyso bey iyadana is celin weysay oo geesteedii baroor
kala qabsatay sidii in labadooda loo sheegay war ay kanaxaan oo
kale.
-
Abaayo wax kale lama ooyayo hooyadeey baan isa soo dagaalnay,
reerkana baryahan iskuma fiicnin.
-
Amaran saaxiibey maxaa dhacay sidee wax u jiraan maxaa keenay
dagaalka? Ayey weydiisay Caasho oo indho taageysa.
-
Walaahi wax jirro ma jiraan aan ka aheyn sheekadii aan berigii kuu
sheegi jiray ee la igu qasbayey Cabbaaskii walaalkeey ahaa, ayaa
hada soo labo kacleysay. Galabta ayaan is aragnay isagii. “Isagii
aa”? ayey lasoo booday Caasho oo sheekadii Amran u waday ka kala
goysay.
- Haa
abaayo, isagii baan is aragnay galabta si kale iskumeynaan arki
laheyne abaayooy sheekadiisa awal waan la socday dhowr jeer baan ka
meer meeray waxaana doonayey inaan mar ay ku haboon tahay runta u
sheego. Marka maanta ayaan u helay fursadaas waana u sheegay sida ay
wax yihiin.
- Haye,
adigaaba saxiibeey war ii haye, islaanta dagaalkeeda ha ii dambeeye
“Xayawaankan Cabbaas Cabbaas leeyeen” SORRY abaayo, hadaan walaalkaa
iri xayawaan. Xumaan ugama igama ahan ee waxaan arkay sidduu nacas u
yahay iyo wax ma fahme.
- Dhib
malaha abaayo waan ogahay inaadan xumaan uga danlaheyn, ma anaase
kala jecel haddii laugu sheego xayawaan iyo wax lamid
ah..
-
Inteed isku aragteen hee? Muxuu dhahayse markaad u sheegta xarfaanki
Ingiriiska?
- Muxuu
dhihi lahaa, runta oo qayaxan aan indhaha ka saaray kanax ama ku
farax aan iri saaxiibow sheekadas ma soconeyso sababtoo ah waa
anigoo qof kale xirriir la leh.
Laakin
indho adeygiisa aan layaabay ku lahaa jaanis isii waxaa dhici karta
inaan ka fiicnaado ninkaas kale. Anah waxaan iri ha is daalin
arrintaas ma soconeyso ee reer magaalnimada ka raac danahaagana
yeysan kaa dayacmin.
Waa
kiiyo aad ogtahaye intuu isoo raacay buu been qubxinimo ku guri
karro ku guray hooyo. Islaanta oo awalba ninkaas maahee aan sheeko
kale heyn markii loo sheegay in xirrir kale uu jiro tii dheereyd ay
dhigtay. Waxeyna lasoo istaagtay Cabbaas nimaan aheyn been uma
sheegi kartid mana guursan kartid DEYRO AMA DUCO mid leed qaadaneysa
maahe.
-
Haddee saxiibeey islaantii furkey tuuratay anah inkastoo la murmay
waxaan u sheegay inaan deyro qadanayo oo aan reerka dib dambe ugu
soo laabaneyn, haddey ku adkeystaan ninka ay iga dabawadaan. Marka
waa iga wareersan tahay ma aqaano wax aan yeello. Waxaan ogahay in
hooyo aysan sidan iiga hareyn oo wiilashii walaalahey ahaa igu
direyso markaasina ay i dilayaan.
- ”DIL
aa” saxiibey waxaas ma jiraan meeshan Yurub aa la dhahaa, kow dheh
wiilasha walaalahaana ma waalna meeshan Soomaaliya maaha, waxey
ahaataba ma qabo in sidaas ay sameyn karaane. Laakin abaayo si aydan
iskaga hor iman waalidkaa iyo walaalaha waa in xal la
keena.
- Xalka
la keenayo saxiibey muxuu yahay, waa u jeeda hooyadeey waxaan
ninkaas aheyn arrintiisa mawado, anah ma rabo inaan guursado nin aan
jecleyn oo qasab la iigu darro, teeda kale waxaan ahay ruux balan
iyo axdi lahe.Mana iga suurtowdo inaan balaantii Axmed ka qaaday aan
ka baxo waxkasta hadey dhacaan. Marka Illaaha tallo ku filan,
hadaanse kaa codsado inaan caawo gurigiina seexdo ma iga yeeleysa
igama heyso inaan reerka ku laabto caawa waxaan rabaa inaan
mashaakilka igu furan kanasiyo maskaxdeyda oo sidaan yeeli lahaa ka
fekero?
- ”Haa
abaayo, Bismaalihiyow maxey tahay ma iga yeeleysa, saaxiibeey
gurigan waa gurigaagii ma ilowday inta jeer aan xaafadiina seexan
jirnay aniga iyo Sucaad?. See waaye warkaas dambe yaanan kaa maqal
ee hoo dharkan xirro iska siib” intey u soo taagatay marro baati
aheyd oo ay kasoo bixisay armaajada.
Inkastoo Amran iyo saxiibteed aysan gaarin go’aan iyo xal wax
looga qaban karro mashqada taagan, haddana habeenkii waxey la
joogtay saaxibteed Caasho.
Duq
Faadumo habeenkii markey aragtay in saacaddu horey u dhaaftay 11-kii
fiidnimo wel wel baa qabatay, waxey isweydiisay in gabadhu ka
dhabeysay warkey sheegeytay ee aaney guriga dib ugu soo laabaneyn.
Mid kamid ah wiilasheedii dibada ku maqnaa bey wacday oo u sheegtay
in Amran ay maanta murmeen reerkana aysan weli iman wal walna ay ka
qabto xaalada ay ku sugan tahay.
”Maandhow tii inkaarta qabtay ma aqaano meeley jirto
taleefankeedii gacantana wey xirratay ee bal orod kasoo eeg gurigii
gabadhii Caasho ee saxiibteed aheyd meel kale oo ay aado ma taqaane”
Saciid waa wiilasheeda kan ugu degan ee wiilasha ay dhashay ku jiro
ma ahana reero buuq wuxuu jecelyahay waxkasta wada hadal iyo is
afgarad in lugu dhameeyo.
Arrimaha taagen ee walaashiis waa uu la socdaa, marba haddii
talada reerka looga weyn yahay kuma deg dego inuu dhexgalo da’
ahaana Amran buu sanad ka weyn yahay, sidaas aawadeed howlihiisi
adduun baa ka badan mida reerka looga madax weyn yahay. Dhinac marka
la eego waa nin wax garad ah oo aan jecleyn in ruux bani’aadam ah la
qasbo oo sanka laga geliyo wuxuusan jecleyn. Hadal haddii laga
maqlayo wuxuu oran lahaa gabadhan maskiinta ah daaya.
Islaantu waxey Saciid u wacday inuu yahay nin degan haddey
wici laheyd Maxamuud-keedii gacanta uun ka hadla sheekada meesha
hada joogto meel ka xun bey gaari laheyd, caawa uun waxey doontay
bal in gabadheedi guriga soo seexato marba hadeysan uga baran iney
dhexdo meeleysan ku ogeyn.
Waagu
wuxuu la baryana la arko. Ileyn ”WAREER
CAWO WAA LOO WAABERIISTAAYE” ”Haye hooyo hadey gurigaas joogto qeer
waaye wax ka halaabaya ma jiraane waa soo wadaa” intuu yiri ayuu is
weydiiyey waxa hooyadiis cilaaqtanka u jeceshay oo ay cadaadineyso
gabadheeda. ”Hooyadeey shiddo jecelaa gabar sanadahan jirto ay
rabtaa iney qasabto iyada lee is daalineysa maahee waa hal bacaad
lugu lisay” intey sheekadaasi la yaab ku noqotay madaxana ruxay ayuu
baabuurkiisi kaxeystay jihadana afka saaray meeshii loo
tilmaamay.
Sidduu
u socoday dhowr daqiiqo wuxuu baabuurkiisi hor dhigtay Gurigii
Caasho reerkeeda daganaayeen kadibna garaacay reerihii albaabkooda,
waxaa ka furtay Caasho hooyadeed oo u sii sheegtay in gabadha
walaashiis ay joogto wax ka halaabayana aysan jirine ay joogto
gurigeeda labaad.
Amran
saxiibteed markey maqashay in guriga la yimid bey inta soo baxday is
tiri fiiri, mise waxey indhaha ku dhifatay Saciid oo ay u maleysay
Maxamuud-kii waalana. Wey isku naxday iyadoo ordeysa bey qolkii
saaxiibted joogtay ku soo laabatay una sheegtay in Maxamuud yimid.
Inkastoo ay ka naxday hadana waxey diyaar u aheyd waxkasta oo
u yimaado shar iyo qeyr. ”Abaayo waxba igama qaadayo dagaal iyo
nabad midkuu la yimaado ayaan kula macaamiltamayaa ee waxba ha
nixin” intey ku tiri saxiibteed ayey soo wada aadeen qolkii fadhiga
ahaa.
”Amran
abaayo maxaa dhacay oo aad guriga u iman weysay hooyo waa wel
weleysay ayuu Saciid ku salaamay, lafteeda markey aragtay inuu
Saciid yahay xooga kurbadii heysay waa ka yaraatay, waayo walaalkeed
ma ahan reero dagaal isageyna isugu dhow yihii waxa guriga ku nool,
inkastoo aysan arrimaheeda gaar ahaaneed u sheegin hadana waa isku
aragti. Maantase iney walaalkeed ka dhigato saaxiib taagan booskii
aabaheed dantaa qasbeysa haddii kale wax uma kala
soconayaan.
”Soo
bax hadda xaafada ayaan aadeynaa hooya tiri halkaasey joogtaa ee soo
wad gabadha walaasha ah” Saciid oo raba inuu baxo fadhigiina ka
kacay baa hadalkaasi ku yiri walaashiis. Amranse waa intey rabatey
waxey ku tiri walaalkeed ”u sheeg hooyo inaan imaneyn caawa guriga
ha inoo ahaato berito haddii Alla idmo!!
Xaqiiqdii Amran markey jawaabtaasi bixineysay waxey gocotay
hadaladii ay hooyadeed kula hadashay uma muuqan jawi wanaageed,
waxey hubtaa in haddii guriga tagto ay markale dib ugu laabaneyso
murankii aan dhamaadka laheyn. Misna dhankale waxey dooneysa iney
ogaato haddii ay ku adkeysato go’aankeeda diidmada ah ee iney
reerkeeda ku soo laabato si xaalku noqonayo!..
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|