Qeybtii 12aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Dhago adeegeedii ayaa waxey ku noqdeen filanwaa iyo waxaan
maanka gelin. Ugama baran iney hadal kusoo celiso. Dhago nugeyl iyo
dabacsanaan buu ku yaqiinay maantase shaqsi kale bey ula ekaatay oo
wax kasta ka filan karro .Gabadhu ha dhago adeygtee waxaa uga darran
reeraha islaameed ee ay ku kor hadlayaan ceebahoodana ogaanayaan.
Tallo ayaa ka wareertay wuxuu sameeyo ayuu garan waayey habartii
gacmo maran inuu kula laabto ayuu diidaya iney iska joogto Amran
halka ay waqtigan ku qanacsan tahayna wuu jecel yahay labo darran
mid dooro ayaa heysata.
Inkastoo Caasho iyo hooyadeed aysan ahend dad shisheeye ah
hadana reer Xaaji Yuusuf waa qoys xir xiran oo aan jecleyn
qilaafaadkooda hoose in bulshado ogaato. Dhaqan ilaa xad ad adag bey
kawada siman yihiin, inkastoo marxuum Xaaji Yuusuf ahaa nin ka duwan
reerka intiisa kale hadana dad aan bulshada laban baa lugu
tiriyaa.
Carro
celin iyo sa sabid ayuu hadana markale ugu dhaqaaqay si ay u yeesho
ujeedada loogu soo diray, balse cid wax ka maqleysa oo dhago qabta
ma joogto meesha, sababtuna waad xaalad Deganaan la’aan iyo cabsi
jirta heysa. Saacado badan bey ku qaadatay inuu walaashiis qanciyo
si ay gurigoodi ay u aadan. Nasiib darrose go’aankeedi bey ku
adkeysatay.
Caasho
hooyadeed baa markey aragtay sidey gabadha iyo walaalkeed qoorta
iskula jiraan soo kala dhex gashay oo u sheegtay wiilkii gabadha soo
doonay inuu ku laabto gurgooda una sheego hooyadiis in gabadhu
joogin guri qariib ah ee ee ay la joogto eedadeed waaga markuu
baryana ay soo kaxeyn doonto si iyada iyo hooyadeed arrintooda loo
dhexgalo ee aaney gacan ka hadal arrintu noqon.
“Waayahay eedo” intuu yiri buu meesha kasoo tagay. Su’aashu
waxey tahay xaajiyadda marka loo sheego in Amran diiday iney timaado
guriga maxey yeeli doonto?. Wiilkii yaraa baa markuu ku soo laabtay
guriga u sheegay hooyadiis in Amran aysan beri kahor imaneyn oo ay
soo raaceyso Eedo Aamina.
Islaantii yaab baa kasoo haray waxey runsan weysay in
gabeedhii ay ciddo islaameed seexaneyso iyadoo weliba jirto xaalad
aan caadi aheyn. Iskadaba meereysi baa ku dhacay siddii “Rati
macsaro shiidaya”. Durba waxey qabsatay taleefankii ag yiilay waxey
wacday reerkii gabahdeedi joogtay, nasiib wanaag Aamino oo Caasho
hooyadeed ah baa ka qabatay taleefanka halkiina bey labada islaamood
iska wareysteen.
Aminaay
salaama Caleykum!, see tihiin waa Faadumo Xuseen e? Illaahey
mahadiis Faadumo waanu roonahaye kawaran wiilashii iyo xaaladiina
guud? Maxaan kuu sheega Aaminaay, waxaan orod aheyn lamahayo iyo
murugo adduun. Bimillaahi Raxmaani Raxmiim, maxey tahay
murugada? Maxaa daran oo jira? Dhibaato aan midda dhuumashada ku
joogta gurigaada aheyn maahe mid kale malaha maxaad gabadha haddii
walaalkeed soo doonay ugu soo dariweysay oo tiraahdid bax raac
walaalkaa?
Faadumo
waxaan filayaa inaad ku fekertay waxaan goor dhaweyd la wel welayey,
waxaan dareesanahay inaad isleedahay reerka iyagaa ceshtay gabadha
ama idiin ku diraya. Dad ehel ahna weynu nahaye yaan fikir qaldan la
iska qaadan. Amran galabta ka hor intii muddo ah gurigeena sooma
gelin cag. Inkastoo aysan ii sheegan sida xaalka yahay hadana waan
dareesanahay iney jirto arrin isku dhac ah. Waxey ahaataba gabdhii
haddii ay tirsaneyso dhib maanta ma joogto guri dad shisheeye ah ee
eedadeed iyo eheladeedii bey la joogtaa ee sidaas horta u
ogow.
Faadumo
waa Amran hooyadeed e markii si toos ah loogu sheegay ineysan dadka
islaameed ka fasiran qalad ayey sheekadii badashay waa cadadeediye.
Alla
maya Aamino xaashaa Lilaah! waan ogahay ineydan aheyn dad shisheeye
ah, waan wareersanahay sina waan iskugu buuqsanahaye hadalkeyga ha u
fahmin xumaan ulama jeedo inaan ku iraahdo hadal meel ka dhac ah.
Walaahi waan ogahay inaad tihiin dad kuwii ugu sokeeyey.Hadana
gabadhan dhuu- dhuumaneysa siddii tuugaddii waxaa weeye farahey ka
baxday siddii labbo jirraddii bey u dhaqmeysa marka dhibka jira
danteedii baan u sheegaya iyadana waxaan maslaxad ugu jirin bey ka
daba ordeysaa.
Haye maxey
tahay danta aad u sheegeyso iney qabsato ileyn waa tanoo waxba iima
sheegin mana ogaan karro sidey wax u jiraane.
Aamino
dhibka jira wuxuu yahay gabdhan wiilkii walaalkey dhalay ee Cabbaas
ayaa soo doonay weligiisna wuu jeclaa in lugu darro Amran. Balse wey
diiday wiilka dooqeyga maahan iyo nin baan saaxiib la ahay bey iila
timid. Anah kama yeelayo waxkasta hadey dhacaan walaalkey baan ka
balan qaaday muddo aad u dheer inaan isku darri doono markey
weynaadan iyada iyo Cabbaas. Marka ma aney dooneysa iney dadka igu
ceebeyso. Kama yeelaye intaad soo dirto u sheeg hadeysan si deg deg
ah ku iman guriga in xaaladda meeshey joogto ka sii xumaaneyso.
Hanjabaad iyo cago jugleyn bey gashay meeshii laga rabay
iney texgeliso islaanta weyn ee la hadleysa. Cakuye dad aan isku
garrasho aheyn!!
Amina
waxey isku dayday iney dejiso islaanta kiisaska iska waaleysay,
markeyse aragtay iney rabto in teeda keliya socoto ayey warkii u
gaabisay oo tiri. “Waxaa wanagasan inaadan ilaawin in maanta aan ku
nool nahay dal shisheeye iyo dhaqan aan keena aheyn iyo dhalinyarro
isbadashay, sidaas aawadeed gabadhaadi Amran aheyd waan u sheegaya
farriintaade ogow in daganaanta iyo si tartiib wax isku sheegista ay
tahay isfahanka nolosha, haddiise taas lawaayo maantoo dhan is qab
qabsi lagama baxayo, gabdhuna waa gabadhaada dee waxey kugu leedahay
waano maantana waa gabar inan ah oo iyadey tallada ka go’daaye.
Waqtigan xaadirka ahan adduunku kaan naqiinay maahan. Awlaad dhago
qabto ma jirto ee walaaleey hadaan nahay dad ehel ah oo wax iska
maqla yaan lugu qasbin gabadhu waxey rabin. Haddii kale kala
fogaansho hor leh iyo dhib uun baa imanaya”.
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|