Qeybtii 13aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Islaantii inkastoo hadal mug weyn lugula hadlay hadana ma
ahan qof dooneysa in xaalku ku dhamaado sida gabadheeda jeceshahay.
Waxkasta waxaa kala weyn balantii ay ka qaaday walaalkeed oo maddi
ah ugana jeceshahay dadka. Tallo ka wareertay fikirka ugu weyn
hadda heysta ee ay iska dhaa dhacsiisay waxa weeye in lugu
sheekeysanayo buuqa dhexmaray iyada iyo gabadheeda. Mida ay
mudnaanta koowaad siineyso waa in gabadha guriga ku soo celiso
kadibna ay xoog ku maquuniso. Koley iyadaa diiday
wanaagiye.
Markey
aragtay in islaanta meel dhow wax ka tustay una sheegtay inaan
maanta dagaal iyo buuq wax lagu qaadeyn ayey bilowday iney
calaacasho una qalbi dabacdo Xaajiyo Amina oo dad ugu dhow. Hadey
xitaa muujin laheyd ad adkaan dantaa ka xoog badan wey ku qasban
tahay iney la kaashato cidkasta oo ay u aragto iney gabadheeda warka
ka maqleyso ka hor intaaney xaajadu faraha ka bixin. Duq Maryan
waxey u sheegtay Xaajyada sababta ay u dooneyso in gabadheeda u
guuriso Cabbaas.
“Yaab
badanaa!” Faadumooy, maad ka joogtid hadalkaasi gabadhu sow maahan
qaan gaar, maad siisid fursad Cabaasna waa nin wax garad ah hadey
diiday maxaa qoorta la iskugu gelinayaa,mase ogtahay dhibka ka iman
karra berito dadaan is rabin. - Waa runtaa, laakin gabdhadeyda
maahan mid ceebi ka iman karto waan ku kalsoonahay, nin ka wanaagsan
oo ay guursan laheyd ma jirto.
-
Isagana wuu jecel yahay diyaar buu waxkasta ula yahay. Walaalkey
baan ka balan qaaday inaan Cabbaas ku darro gabdheyda, yaraantoodiii
baa la isku doonay.
- Marka
walaaleey reerihii oo dhan baa dhowr jeer i weydiiyey waqtiga laga
dhigayo meherka marba hadey soo dhawaaday xirritaanka iskuulka. Mana
doonayo inaan isku ceebyo dumaashiyaalkeey waa dad xan badan oo I
arkaya inaan u talin karin gabdheyda. Markasta waxey I yiraahdaan
Cabbaas oo nin ah baan u talinaa oo warkeena maqlee maxey gabadhaadu
kuu maqli la’dahay? Marka ceebtaas xageen ka galaya, hadeysan
warkeyga maqleyn sow ma ihi qeyral mas’uul?
-
Qeyral mas’uulinimada iyo ciseynta waalidka waa kala labo taasi ha
ilaawin Maryaneey, laakin gabadhaadu waxaan ogahay iney kaa baqdo oo
ay inta badan kuu dhago nugu shahay. Balse marka carruurtu weynaadan
waa dhici kartaa in wax badan lugu kala aragti duwanaado. Sheekadaas
ka fiirso yeysan kula fududaan.
-
Fudeyd ha ii dambeeyo Aminaay, gabdhii soo dir! Una sheeg inaan wax
ku sameyneyn oo aan wadahal ku dhameyn doono qilaafka dhexdeena
jira.
- Waan
wargelinayaa gabdhaadee laakin kaasho deganaanta lafteeda ixtiraam
bey kugu leedaha iyo qiimeyne ha qasbin. Saacado badan bey
qaataday wadahalkii labada islaamood inkastoo Xaajiyo Amina ay kor
iyo hoos ula hadashay Amran hooyadeed hadana waxaa la yiri “ruux
meeli u cadahay meeli u madow” Markey Islaantii Amina aheyd aragtay
iney meel keliya ku dhagan tahay ayey iska dhigtay teleefankii
iyadoo niyada ka leh “Iga tag madax adagaa dumaashidey, siddee Xaaji
Yuusuf ku hayey Allow muxuu dulqaaad badan lahaa Illaahow kuu
naxariiso” Warjiraaba cakaaru iman! Amran iyo hooyadeed waxey
arrintoodi gaartay in eheladii soo kala dhex galaan, qofkastaa oo
iyaga kamid ah meel ku dheg noqdo.
Amran
maanta waxey xaaji ka mareysa iney deero ka ahaato reerkii ay ka
dhalatay, halka hooyadeedna ay gabadheeda ku heshiin karaan tahay
Cabbaas oo ay guurkiisa aqbasho haddii kale ay ku waalid iyo walaal
la’aaneyso habaar iyo dhibaato adduuna diyaar u noqto.
Amran
oo maqleysay hadaladii dhexmaray labada islaamood baa markey
islaanta dhameysay teleefanka ugu soo gashay qolka fadhiga
weydiisana waxa jira ee eey hooyadood ku andacooneyso. Xaajiyo
Amina waxey u sheegtay Amran halka arrini taagan tahay, taasoo ah in
Amran ay hooyadeed is afgaran karan oo keliya markey Cabbaas
guurkiisa aqbasho. Balse ay marka hore wadahalku furan yahay sidaas
daraadeedna laga doonayo in guriga deg deg u timaado.
”Wallee
hadduu aduunyada Cabbaas kasoo harro inaan guursaneyne ee Allow yaa
yiraahda is dejiya!” ayey inta iskula guuxday madaxana ruxday. Amran
oo sheekadan la sheegayo iyo ja juubkan ay madaxeeda ka weynaadeen
baa islaantii eedadeed aheyd u sheegtay iney guurka ninkaasi ka
doorbideyso iney dibad wareeg ahaato intii ay farxad la’aan ku
noolaan laheyd.
Siddii caadadaada aheyd Maxamuud-kii jinniyaha qabay ayaa
goor dambe ku soo laabtay gurigooda isagoo warjira moog ah.
Islaantii oo wiilasheeda qaar kamid ahi hareer fadhiyaan sidii iney
geeri gashay ayaa isagoo ka yaaban sharqan la’aanta guriga u soo
gudbay fadhiga si bal u eego in guriga lajoogo iyo in kale. Markuu
arkay hooyadiis oo ciil indhihii la gatuuteen ayaa isagoo naxsan
weydiiyey waxa dhacay. Islaanta oo aan jecleyn iney saacadaas u
sheegto waxa jira ayaa C/salaan oo dhinaca midig fadhiya la soo
booday “Amran baa reerka deyro ka ah waxey joogtaa guri islaameed
hooyana waxey ka wel welsn tahay xaaladeeda” “Yaah” ayuu lasoo
booday, DEYRO aa! buu misna sii daba dhigay hadalka isagoo jaakad uu
watay iska sii bixinaya kursigana salka la sii helaya.
“Haa
deyro” buu ugu jawaabay wiilkii yaraa. - Oo maxaa deyrada keenay?
I fahansiiya maxaa qaldan? “” Haaaa! Hadaan gartay weli sheeko
baraleydii miyey wadaa, waxaan moodayey iney ka soo reysay intii
hore?? - Dhoocishan horaan usheegay hooyadey ma rabto iney meel
iska marriso. Intan ka badana looma dulqaadan karee, mana na
ceebeyneyse tallo keena!.
FG:
Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna qaadan
karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha
sheekadan!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|