Qeybtii 14aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Maxamuud oo aan laheyn meel dhiiga
la saro ayaa hadalkaasi yiri. Wuxuu ekaaday durba nin waalan oo aan
caadi aheyn. Islaantii murugeysneyd oo awalba sheekada Amran wadno
xanuun iyo dhiig kar ku riday ayuu isna raba inuu xoog iyo gacan ka
hadal ku xaliyo.
- Maandhoow ha noo dambeyso talo e bal salka
dhulka dhig, walaasha waa ogtahay iney madax adag tahay waxey u
baahan tahay in si daganaan ku jirto ula hadalno waxba ku qaadimeyno
qeylo iyo buuq ceebaheena ayaa banaanka imanaya mooye bal saacadan
hanaga joogto meelaheeda.
Duqda
waxaad mooda iney saacadaas aysan diyaar u aheyn madax xanuun iyo
qeylo kale gasho maantoo dhan bey iska daba meereysi sidii rati
macsaro shiidaya ku jirtay.
Maxamuudku waa ninka xilligan dagaal diyaar u ahee wuxuu
bilaabay inuu dusha dembiga ka saaro islaantan ciirsiga la'a oo meel
ay uga baxdo mushkilada qoorta loo suray.
- Hooyo
hada ma waxaad leedahay talaabo ha qaadin oo halkan ha keenin
gabadhaas, warkaasi ma ahan mid iga daa dagayee hooyo wax kale
sheeg!...ayuu yiri isagoo ay carro xoog lihi ka muuqato hadduu
awoodana duuli lahaa siddii baalaleeydii.
-
Maandhow waa xilli dambe qeylo diyaar uma ihi baan ku iriyee bal
waaga wuxuu la baryo hala arko ee naga daa shidadeeda. Ineysan
adduunyo sidan ugala joogeyn horaan go'ankeeda u gaaraye. Amran
iyo hooyadeed labadoodi qofba meel ayaa murugo la fadhiyaa, Amran
dhibka heysta wuxuu yahay sida ay hooyadeed u fahansiin laheyd in
qasab aaney xaajo ku hagaageyn ee ay haboon tahay daganaanta iyo
isfahanka la kaashado. Wax walba waxaa uga darran naxariis darrada
ay guud ahaan walaalaheed kala kulantay ee aaney ku jirin ruux
dareemaya dareenkeeda qaaska ah iyo waxa nafteeda
dooneyso.
Keligeed bey qol ku fekereysaa hadey ogtahay meeley uga baxdo
xujadan aysan furi karrin waa sameyn laheyd nasiib darrase talo
iskuma kaa sheegto oo waxey noqotay ruux aan talo farheeda ku jirin
oo dhowreysa wixii Alle u qoro.
Muddo toddobaad ah ayaa
kasoo wareegtay markey Amran reeraheedii kasoo caroortay oo
hooyadeed iyo walaalaheed isku dhaceen sababo la xirriir ina
habreedkeed Cabbaas oo lagu darayo iyadana u aragto in walaalkeed oo
kale yahay, walaaltanimo kasokow ay xirriir muddo sanad ku dhawaad
ah la leyd wiil kale oo ay isku barteen xaflad ay habeen u raacday
saaxiibayaalkeed, wixii waqtigaas ka dambeeyeyna waxey ahaayeen
lamaaneyaal doonayey iney lamid noqdaan qeyrkood balse Rajadii ay ka
qabtay iney guursato ninkey gaclootay baa la xabaalay sidey godkii
la geliyeyna uga soo saarto ma taqaan. Hadey gacaliyaheedii Axmed
yare oran laheyd kaalay reeraha iga soo doon weji u ku yimaado
malaha. Ma gabar aan lala rabin buu doonan karaa?
Islaantii
in muddo ah ayey daboolka saartay muranka iyo gabadheeda, awal Amran
iney timaado maalin kadib ayey aheyd hadase toddobaad ayey maqan
tahay. Islaantu intan ka badan waxaa ka lumay dulqaadkii,
taleefankii bey hadana qabsatay waxey wacday halkii gabadheedii
joogtay. Amran markan taleefankii waa loo dhiibay waxey ka dhuumato
taleefankii u soo dhaca reeraha ay joogto.
- Maandhey ma
sidan baad il ka garatay inaad reero islaameed aad la joogto adigoo
guri leh? Maxaad noo ceebeyneysa oo ku dul dhigay dadka dadow
guryahooda sow malihid hoy aad seexato aad wax ka cunto? Cakuye ruux
dood jecel! Waxeyba gashay su'aalo aysan amran saacadahan diyaar u
aheyn ,ma iyadaa moog iney guri islaamed joogto oo aysan keeda
joogin, waxa keenay sow maahan daruuf kaliftay.
-
Hooyo, adigu waad ogtahay inaan aqalkeeni joogin sababtuna waa
khilaaf dhexdeena ah marka waxaad ogtahay ha i weydiin Bilaah
Caleek!! Cajiib!! iyadaaba lugaheeda qeylo ku raadsaneysa oo
waalidkeed dhaheysa su'aalo ha i weydiin. "Waa yaab" intey tiri
Islaantii ayey hadana halkeedii kasii waday su'aalihii dhibsadka
badnaa ee amran hadeer ka afeefaneysay.
-
Waxaan doonaya inaad timaado guriga oo aan wadahalno wixii aad
tabaneyso aad ka hadashid, laakin inaad dad islaameed dulsaar ku
ahaatid yeeli mayo hadaadan adigu damiir laheyn anaa lehee kasoo
dhaqaaji saacadan la joogo hadaad diidana waxaad ogaataa iney meel
xun tageyso.
- OK,
waxba kama qabo, laakin waxaan doonayaa in si caqli leh loo hadlo ee
aan gacan la adeegsan Hooyo waxaad ogaataa hadey sheekadu gaarto
sida adiinku dooneysaan ee ah inaad ninkanaad Cabbaas leyneysaan
inaad ku bishaareysato inaad gabadhaadii iyadoo nool
duugtay.
- Naa
maandheey hadeerba dhimo hadaad doontee kalama jeceliye soo soco
baan ku iri, ceebta aad i badayey ayaanba weligeed iga
dhaqmeyne.
Isla
saacadiiba waxey bilowday in amarkaasi fuliso waxey soo abaartay
gurigoodi iyadoo sidaas u yeeleysa maslaxd ay u aragto intii guri
islaameed inta loogu yimaado ay ka dhici laheyd muskilad hor
leh.
"Haye
hooyo hadeer ayaan imanaya" intey tiri bey iska dhigtay taleefankii.
Islaantii Caasho hooyadeed aheyd ayey u sheegtay iney guridoodi
qabaneyso maadama hooyadeed tiri kaalay soo laabo ayna ku mahadsan
yihiin muddadey la joogtay ee soo dhaweeyeen. In door ah kadib
ayey cabsi aawgeed aqalkoodi soo gelisay madaxa, islaantii iyo
Maxamuud ayaa fadhiga fadhiya. Maxamuud markuu arageeda arkay ayuu
inta booday damcay inuu garaaco, waxaase ka qabatay islaantii
hooyadiis aheyd oo canaanatay. Awal amran waa fileysay sheekada
noocaas ahee in iyadooba gurigii weli rasmi u soo gelin la isku
bilaabayo feer iyo farro laab. Islaantii hadeer laheyd dhimo ayaa
hada masxlad raadineysa waa waxaan caqliga galeyn Amran xageeda.
"Yaab badanaa, adduunka nabad xumo hadey meel ka jirto gurigeena
ayey ka jirtaa" ayey hoosta iskula hadashay iyadoo jaakad ay wadatay
inta iska bixisay u soo dhaqaaqday xagii fadhiga.
" Haye,
Alle ma kasoo nabad keenay reerihii aad ku dhuumaaleysaneysay?" ayey
hadal ka bilowday xaajiyadu. - Dhuuman meyn hooyo ee waxaan la
joogay saaxiibteey Caasho adiguna waad ogtahay, ayey Amran ugu
rogaal celisay hooyadeed. -Maxaad ka keentay oo xan ah ee luguugu
soo guray? Ninka ha guursan mey ku dhaheen?? Weli su'aalihii beer
xanuunka lahaa ayey sii wadaa madaasho miyaa islaantu. -
Subxaanalaah!! hooyo aniga cid ila hadashay oo aan war ka qaato ma
jiro dadka islaameedna waxeysan oran ha dhihin!. Amran baa tiri
hadalkaas iyadoo xanaaqsan. Iyagii baaba muran iyo in hadalka la
isku cel celiyo keenay halkey dantooda ka raacan lahaayeen waxaan
dan ugu jirin.
Markey labadoodii in door ah is jiid aan ku
jiidee ay ku jireen ayey siddii caadadu aheyd islaantii hadalka
qaadatay iyadoo markan bilowday calaacal iyo abaal ku sheegato
gabadheeda siddii iney moog tahay in la dhalay. Gabadhuse
naxariistii ay u heysay hooyadeed baa ka guurtay waalidnimo wey u
aqoosan tahay mooye jaceylkii iyo damqashii hooyanimo ayey weysay.
Waxey uun dareemeysaa in dad islaameed farxood la raadinayo teediina
la is hortaagay. In badan bey tabtay aabaheedii Xaaji Yuusuf waxey
ogtahay in dhibkan uusan dhaceen hadaan Allihii abuurtay uusan
wadan.
-Hooyo
waan imid gurigiiye waana ku hor fadhiyaa ee maxaa noo talo ah,
sideed dooneysa inaad dhibaatadan ku xaliso? ayey tiri Amran oo
hadalkii is jiid jiidka ahaa soo afjratay. - Maandheey waa sidaan
ku sheegay xalka wuxuu ku jira inaad iskoolkaaga dhameysato kadibna
Cabbaas u diyaar garowdid arooskiisa. Nin kalaan is rabnaa iyo
saaxiib ayaan leeyahay warkaasi waxaa ku hadla midaan wax isku falin
oo diyaar u ah iney ciyaal suuqiinta warkooda wad wado. Warkaas
naxdinta leh awalba waa fileysaye, iyadiina go'aankeedii bey wejiga
islaanta ka saartay iyadoo xanaaq iyo carro xoogan laga
dareemayo.
- Hooyo
Cabbaas iska ilow, anah guur nooca uu yahay waan iska ilaaway,
guriga hadaan kuu joogo ma dhibaato ayey leedahay? waa Maya, hadaan
nin guursanayana midkaan u arkay inuu wanaagsan yahay baan guursanaa
oo axdi iyo balan adag naga dhaxeeysa haddii kalena siddii roon
Rabbaa og!
La soco cadadka,
dambe haddii Alla idmo....!!
FG:
Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna qaadan
karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha
sheekadan!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|