Qeybtii 15aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Qeybtii 15aad
Bisinka!! Amran iyadoo careysan bey
warkaasi naxdin leh beerka u galisay islaantii hooyadeed aheyd waaba
kadarroo dibi dhal!! maanta wey cadeysatay warkeedii waxey sheegtay
ineysan dooneyn guurka Cabbaas. Su'aashu waxey tahay islaantu
mayeeleysa walaalkeed Maxamuudse meesha waa fadhiyaa oo haddii loo
baahdo feerka iyo haraantidada waa gamayaa ee fal noocee ah buu
bixin doona hadey ku adkeysato warkey sheegeyso. Allow adaa maanta
godkaaga biyo kuugu soo galeen Amraneey!! Ma islaantey ogeyd bey war
ku soo celisay? Wixii soo soo gaara iyadaa masuul ka ah. Nin
farruuran baa la yiri "Farrurow maxaa Barbera ku geeyey markaasu
yiri fadduul!" Islaanta iyo wiilkeeda waa la iswada eegey,
Amranse siddii ruux dhangax ku dhacay bey labada dhinac iska
fiirineysa, gacanta meeshey uga imaneyso oo ay hubto iney tahay
dhanka Maxamuud ayey indhaheedu jiraan. Meeleysan ka filaneynse bey
uga timid.
"Yaa, maxaa tiri iigu soo celi?? xaajiyadii kiiska
iska waaleysay baa tiri. Guri joogis ma jirtee warkaaga cadeyso
gabaryahay bey misna sii daba dhigtay hadalka iyadoo marna is daarta
marna is demisa siddii burkijo dhuxulo ka buuxaan oo hadba dhinac
dabeyshu ka babineyso. - Hooyo waxaan ku iri Cabbaas iyo guur
midna ma rabo, ee gurigeenaa joogayaa hadal xun miyaa?. Haddii kale
sow guur guur maahan mid baan is rabnaa oo aan heshiinaye igu dara,
haddii kale wareerka iga daaya!
Istaasi
markey intaas afkeedii kasoo baxday iyadoo awalba yaa marlee afkeeda
fura taagneydee taleefankii meesha yiilay bey inta haabatay indhaha
kaga tuurtay kuna soo booday iyadoo dhirbaaxo iyo gacan waxey
awooday ula tagtay.
Halkii
baa bulan iyo qeylo ka dhacday "wuuuw habarta gabadha ka
celiyaaay!", gabadhii waxey gashay is difaacid iyo iska qabato
gacantii habarta. Xaalku markan waa xumaaday islaantii fursad ay
weligeed raadin jirtay baa maanta soo baxday. Siddii ruux boorane
qabey bey beb dheh beb dheh ku jirta ceytan iyo habaar aan kala go'
laheyna waa wadaa hadeysan nafta ka siibin bey nasiib laheyd. Saciid
yare iyo C/salaan oo wiilasheeda kamid ah gurigana joogay baa soo
oroday oo nin walbaa iyaga kamid ah habarta iyo gabadhii kala celis
ugu dhaqaaqay. Maxamuudkii waalnaa ee fidnadan geetiisa ka hurayey
meeshuu fadhiyaa kama celine fiirsasho ayuu ugu dhaqaaqay.
C/salaan waa da'da ku xigta Maxamuudka curudka ah inkastoo
fikir ahaan uu islaanta dhankeeda u janjeero hadana saacadan waxuu
ka xun yahay dilka habartu dileyso gabadheeda madiga ah kuna
qasbeysa waxeysan rabin. dhirbaaxooyinkii loowaday Amran ayuu isku
dhigay kana celiyey habartii oo Saciid yare dhinac ka
jiidayo.
"I
daaya maxaad iiga celineysaa kufaarta aan dilee, anshax xumaa ma
anagey na mooday dhoocil faceed ah markey nugu soo afcelineyso,
anigaa kibirka kaa badshay oo iri waa gabar weynee suuqaga mar bal
car war igu soo celi" Gabadhii oo naxdin awgeed qalali gaartay
korkeediina xagtin iyo barar meelaha qaar kamuuqo ayaa wiilashii ula
carareen qolkeedi.
Kamaaney harrin intey fandhaal dheer oo ay xalwada ku karsan
jirtay kushiinka ka doonatay bey hadana ugu tagtay qolkii lana
kortay ushii gabadhii oo fiq fiq ku jirta.
Amran
xanuun awgeed bey la ceshen weysay oohintee waxey bilowday iney
hogoto oo uun usha korkeeda ku dhacdo jeer fandhaalkiiba dhowr cad u
qeybsamay hadana gacan iyo qaniinyo loou daray. Celiskii wiilasha ee
isku dayeen iney ka celiyaan wax matarinee duqdaa ka xoog badnaatay
ciilkii iyo caradii hayey awgeed bey la dareemi weysay in gabadhu
tahay ruux Illaahey naf geliyey oo damqasho leh markey daashay bey
iskeed uga tagay.
- "Ma i
maqleysaa gabaryahay ku farax ama ka nax, laga bilaabo saacadan
albaabka kama bixi kartid iskoolna warkiisna daa adigaa diiday
wanaaga hadaan wacayaa iskoolka una sheegaya inaad safar aaday"
Sheeko badnaa islaantu iskoolka dowladey mooda iney sidey rabta ka
sameysan karto, ma gaaladan shakiga badan bey ka dhaa dhacsiineysaa
gabadhii baa safar ku maqan?
Gabadhii yareyd waaga ku baryey ciil iyo xanuun awgiiis baa
indhihii la gaduuteen qolkii korka looga xiray bey sariirtii bustaha
saarna ee daabkii kaga xigsaneysay hoostiisa kaga jirtaa. Ma taqaan
sidey yeesho cirkii baa ku soo dumay. Ineysan iman baa u rooneyd
guriga hadey ogtahayse ma timaadaane wanaag iyo dabacsanaan samee ay
laheyd bey hada eersaneysaa.
Islaantii oo weli habaarkii iyo qeyladii wada baa ku soo
laabatay fadhigii ay ka dhigtay meel fardo ku dur duriyeen sidey
hadba sheygii gacanteeda haaban karro u qabsaneysay. Aw
Maxamamuudkii bilaa damiirka ahaa isagu talaabo ma dhaqaajin intey
islaantu ku maqneyd dagaalka Tv fiirsasho buu iska jiray shidada iyo
lurka guriga gees ka jirta maba heyso isaga.
C/salaankii oo gacanta ku dhagan baa islaantii la yimid
fadhiga canaan iyo qeylo buu iskugu daray una sheegay in waxey ku
kacday aysan aheyn mid xal keeneysa siina kala fogeyneysa iyada iyo
gabadheeda.
-"Maandhow warkaaga marabee iga daa hadalka, yaanan adnah
kugu darine.?
-Hooyo
war deysmo maahe daganaanta kaasho! Teeda kale waa ceeb hooyo gabar
qaan gaar ah looma gacan qaado ma taqaan meeshaan joogno waa qurbe
hada deriska waa namaqlayeen waxey sameyn doonaan maad ogtahay?
- Waxey
doonan ha sameeyaan midaan inaan kow kasiiyo maahee si kale ciilkeed
iima deynayo aniga iyo iyadana sidaan maba kuwada joogeyno adduunka
teeda ama teyda soconeysa BAASTA ee BUUNDO intey tiri ayey inta wax
gocotay ku carartay katabaankii dharka surnaa soona dhifatay
jaakadkii dhaxanta ee Amran laheyd ee meesha surnaa kana soo bixisay
taleefan gacan oo gabadhu laheyd inta kaarkii ku jiray ka bixisay
daaqada ka tuurtay!! Miskiin Amran!! waa halkaas ku ciirsi iyo is
garsiin la'ow!! oo misna waa yuusan Axmed yare soo wicin guriga
markuu ku daalo taleefanka gacanta hadduu soo wactamana la yiraahdo
ma naqaanAmranee nadaa!!
La soco cadadka,
dambe haddii Alla idmo....!!
FG:
Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna qaadan
karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha
sheekadan!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|