Qeybtii 2aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Maxaa yeelay caawa waa habeen ay soo galeyso sabti ah oo
aaney jirin berito wax iskuul iyo shaqo toona sidaas daraadeed ay
jecel yihiin iney aadaan sadexdooda shineemo si filin xiiso leh oo
ay ku balansanaayeen u fiirsadaan. Hase ahaatee Amran waxey kaga
cudur daartay saaxibayaalkeed ineysan suuragal aheyn iney u raado
caawa shineemada cadaadis xagga waalidka ah oo kaga furan guriga,
sidaas awadeed ay markale ka dhigan karaan haddiise ay ku
adkeysanayaan saaxiibayaalkeed ay raaceyso.
Caasho iyo Sucaad oo ka yaaban hadalka wel welka ka muuqdo ee
Amran ku hadleyso, ayaa jecleystay iney bal wax uga sheegto waxa soo
cusboonaday ee keenay in Amran dareento cabsi xagga waalidka
ah. Amran iyadoon jecleysan in arimahaas wax laga weydiiyo ayaa
uga sheekeysay saaxiibayaalkeed in muranka iyada iyo hooyadeed salka
ku heyso arrin la xirriirta guur aysan dooneyn oo lagala hadlay
marar badan, islamarkaasina uu jirro wiil abtigeed dhalay oo lala
damacsan in lugu darro, islaantuna ay balan qaaday in Amran markey
dhameyso wax barashada u guurineyso.
Amran waa gabar ku soo kortay nolol dabacsan oo aan laheyn
dhibaato iyo buuq, inkastoo Amran aabaheed uu geeriyooday mar aan
sidaas u dheereyn hadana waagoodii hore ma aysan aheyn qoys sabool
ah oo odey Yuusef kahor intii aaney tii Alle u iman waxuu ahaa nin
qoyskiisa u huray noloshiisa barkeed siddii carruurtiisa ugu bar
baarin lahaa wadada wanaagsan. Balse qof walbaa daruufta dalka ka
jirtay iyo dagaaladii sokeeye, waxey ku yeelatay saameyn xoogan oo
kaliftay in qoysas badan ay ka soo bara kacaan dalkii hooyo. Qoyska
Xaaji Yuusuf-na uu kamid noqday qoysaskaas faraha badan ee ku sugan
reer galbeedka. Markii qurbaha la yimid qoyska reer Xaaji Yuusuf
waxey iska dhiciyeen nolosha iyo dhaqanka adag ee taala qurbaha,
taasina waxey keentay in carruurtiisii ay durba la jaanqaadaan
dhaqamada ay martida u yihiin ugu danbeyntiina carruurtiisa waxey
noqdeen kuwo isdabara oo aan ku tiirsaneyn taageerada dhaqaale ee
qaxootiga la siiyo iyagoo aan dhaqankoodii iyo diintooddii ka tegin.
Taasoo si weyn uga farxisay xaajiga in carruurtiisa ay maanta
maamulayaan reerka oo ay buuxiyeen kaalintiisi marba hadduu noqday
nin howl gab. Intii Amran aabaheed noolaa waxey aheyd gabar leh
awood sidey doonto ku maamusha nolosheeda iyo cida ay la wadaageyso,
nasiib darrose markii Xaajigu dhintay waxaa meesha ka baxay
qiimeyntii ay laheyd ee ay ka filaneysay hooyadeed iyo walaalaheeda
kale. Sidaas daraadeed geeridii ku timid aabaheed waxey ku noqotay
jug xoog leh iyadoo dareentay in garabkeedii banaanaaday oo aysan
jirin cid u garaabeysa ama taagereysa kolka ay la soo gudboonaato
dhibaato gaar ahaaneed. Waxaaba xaajigu ahaa saaxiibkeeda koowaad oo
ay ku kalsooneyd una sheegan jirtay wixii ku saabsan mustaqbalkeeda,
halkii arrintaasi laga filanayey in Amran hooyadeed ay dhabarka u
ridato.
Muddo haatan laga joogto sanad mar ay Amran ay dalka
Ingriiska dalxiis ku tagtay waxey isku soo barteen wiil dhalinyaro
ah oo ay habeen ku kulmeen meel xaflad aroos ah. Wixii habeenkaas ka
danbeeyey Amran iyo wiilka ay isbarateen waxaa dhexmaray xirriir
lugu jaan gooyey jaceyl dhab ah oo runta iyo kalsoonida looga dhigay
astaan. Barashadooduna waxey muddadaasi sanadka ah ku socotay xowli
iyo xiiso kalgaceyl oo midba kan kale dhankiisa u dhiibayey. Nasiib
darrose Amran wiilka ay calmatay waxaa gidaar ahaan hortaagan wiilka
abtigeed la dhalay ee islaanta hooyadeed ahi la dooneyso. Rajadii ay
ka qabtay inuu taabo gallo xirriirkan curdanka ah waxaa ku gadaaman
mugdi iyo cabsi sii yareyey iftiin u soo bidhaamayey. Amran
markii ay kasoo tagtay saaxiibayaalkeedii ay iskuulka ugu tagtay
waxey ku soo laabatay gurigeedii oo ay ogtahay ineysan kala kulmeyn
naxariis haba yaraatee inta uu jirro isfahanwaaga u dhaxeeya iyada
iyo hooyadeed. Sidey u sii uu socotay ayey qolkeedii abaartay
iyadoon cidna juuq u dhihin, dharkii inteysan iska bixin Maxamuud oo
curudka reerka maanta oo dhan ku sugayey guriga ayaa qolka ugu soo
galay isagoo iska dhigaya nin raba in deganaan wax ugu sheego
walaashiis si bal ay hadalka isku fahmaan iyada iyo hooyadeed oo
labadan beri kala aragti foggaa. Waxaana dhexmartay doodan aadka
u dheer oo ugu danbeyntii keentay in walaalkeed markii ugu horeysay
u gacan qaado.
Ma sidan ayad jeclaatay inaadan wax maqal oo xitaa hooyadii
ku dhashay oo wanaagaaga jecel diido warkeed? -Maxey tahay waxa
aan hooyadeey ka diiday hadaan diido warkeeda yaan war kayeelaya ma
adiga mise cid kale, seed ii fahay adiga? Mase is weydiisay waxa
meesha yaala, kahor inta uusan aabe dhiman ma jirtay buuqan oo kale
waa maya. Hadaba aniga walaalkeey baa tahay inaan warkaaga maqlo
waajib ayey igu tahay, laakinse aboowe yaanan la igu qasbin waxaan
dooneyn. -Oo maxey tahay waxaadan dooneyn ee luguugu qasbayo ?
ayuu yiri isagoo is moodsiinaya waxa meesha yaal. -Is
moogeysiiska intaad iga dhaafto waxaan ku leeyahay haddey kun
kufriso kuna muslinto marna ninkaas ma guursanayo hadaad adiinka
jeceshihiin inaan anigoo weli tacliinteyda dhameysan guursado waxaan
idiin leeyahay idiin kama yeelayo. -Naa I dhageyso horta guurku
ceeb maahan oo ma taallo waxaad waqtigan xaadrika ah u tiraahdo guur
marabo gabar qaan gaar ah baad tahay labaatankii afar sanno baa kuu
dheer, seed wax ku wadaa ?. Mana jirto nin ka fiican Cabbaas oo aad
guursan laheyd, mise waxaad dooneysa dhuq dhuqeys iyo inaad wiilasha
ciyaal suuqiinta ah gidaarada la istaagto? Tacliintan aad sheegeyso
adigoo guri leh ayaad dhameysan kartaa marka ma jiraan waxaad culeys
saarto ee gabar yahay jooji waxaad waddo haddii kale
--------!. -Haddii kale hee….!??, waxaad doonto dheh aniga shaqo
kuma lihi, laakinse waxaan kuu sheegayaa inaan guursaneyn nin aanan
dabeecadiisa baran oo aanan isku fahmin wax badan sidaas darteed
raali baad iga ahaaneysaan.
Markey intaas tiri ayuu dhirbaaxo iskula jiiday Maxamuud
iyadoo oo aan marna ka filaneyn gacan walaalkeed, weyse u toog
heysay in haddii muranku bato uu gacanta ka hadlayo waayo waa nin ay
aqoon leedahay oo waxkasta ka suuroobaan. Sidiisa kalena waa nin ku
fikrad ah hooyadiis oo ma jecla in gabar.
Waqtiga ku dhumiso waxaan qiimo laheyn jaceyl jaceyl iyo
afaarahaasna adigeyba xiiso kugu hayaan. -I dhageyso ooyi
laheydaa ama farxi laheydaa Cabbaas nimaan aheyn reerkan lagama
ogola texgelina kuma laha. Sidaas daraadeed waxaan kaaga digayaa
inaadan been u sheegin ragga oo aadan ku dhihin waxaan ahay madax
banaan.
Amran tallo ku ciirtay waxey ogaaday in reerka dhan ay
habarta majaraha u heyso oo wiilasha xitaa dharka reer magaalka ah
xirran ay ku socdaan amarka islaanta.,ra’yigoodana ku socon karrin
midey islaanta u keento maahe. Xitaa qof dhahaya kuma jirro “hooyo
waxan baad ku qaladan tahay hadeysan gabdha rabin ninkan aad kadaba
wadaa ka daa!”.
Lasoco cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|