Qeybtii 3aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Amran iyadoo ooyeysa ayey qolka kasoo baxday, damiirkeeda
ayaa siin waayey iney u adkeysato murankii iyo doodii dheereyd ee
dhexmartay iyada iyo walaalkeed. Waxaaba taas uga daran
dhirbaaxadii sidda naxariis la’aanta ah ee dhabankeedii ugu dhacday
ee aysan marna filaneyn. Intaa ugama harine oradkii ay qolka kaga
soo baxday ee waxaa u misna uga daba yimid qolkii fadhiga ee ay
dooneysay iney kaga nabadgasho qeyladiisa iyo dhirbaaxadiisa oo ay
ogeyd hadey misna doodu socoto iney mid kale filaneyso gacan iyo wax
ka badanba, sidaas daraadeed lafaheedii bey kala soo carartay
ninkaas naxariis laawaha ah, doodiina hadana halkeedii bey ka
bilaabatay iyadoo Amran markan diyaar u noqotay in korkeeda waxkasta
ku dhacaan fiiloba Allaah ka dhigee.
- Maxaad u soo baxday oo aad ii dhageysan la’dahay?.
Marbey gacanteyda kugu dhacday ha igu kalifin inaan markale kuu
celiyo ee naa i dhageyso waxaan ku leeyahay! - Walaal maxaan kaa
dhageystaa, ma waxaan dooneyn inaad ii sheegto mise wax kale?
Haddaad heyso sheeko kale oo soconeysa ii sheeg, aan ka aheyn arinta
wiilka walaalkeey ah ee aad rabtaan inaad igu ja juubtaan, hooyadeey
baan ka diiday iney ii guuriso nin aan raali ka aheyn. Markaa ha
isku daalin waxaan lagaa yeeleyn ee danahaaga kale raaco!
- Naa waa edeb darantahay ee maxey tahay sababta aad ku
diideyso Cabbaas? Sow maahan wiil walaalkaa ah oo aad meel ku soo
wada korteen oo aad aqoonta u leedahay?? Xagguu kuu joogaa ninka ka
fiican Cabbaas ee ku dhiqi karra, mise weli waxaad ku hamiyeysaa
inaad ciyaal suuqiinta gidaarada la istaagto? Koley sheekadaasi meel
kale ka socotaayaba halkan lagama yaqaano anshax xumadaas mana maqli
karno in la yiraahdo gabadhiinii ayaa nin ciyaal suuq ah jidka la
taagneyd. Qoys sharaf leh baa nahay oo waa nala yaqaanaa.
- Oo kaalay aboowe haddaan iri waxaas marabo ma qasabaa?
Sanka miyaa la iska gelinayaa. Waxaad sheegataa inaad tahay nin reer
magaal ahee, maxey tahay maskaxda dambeysa ee ja juubka ku dheehan
aad igula hadleyso?.
Hooyo waaba la gareysan karaa waa dadkii hore oo dhaqankoodii
adkaa ee, adiga magaalada ku koray miyaa sidan iila hadlaya? Meeshii
aan kaa filayey garab inaad isiiso miyaad la mid noqotay hooyo?
Awalba waan ogaa maangaabnimadii aabe kugu sheegi jiray iney hadda
soo baxday, misna aad rabto inaad sidan reer dhan ku hogaamiso
”Misbiyaajo! saaxiib tan ku guursato aa kugu dhib qabta
Alxamdulilaah inaadan aniga i guursaneyn”.Ee ha is daalin, horaan
hadal kuugu dhameeyey mid aan hooyadeey ka diiday inaan kaa yeeleyn
waad ogtahay ee orod iga kortag mana xamili karro naac naacdaada aan
nuxurka laheyn!
Feer buu iskula baaciyey Maxamuud markey dhagihiisa
maqleen ”Tan ku guursata aa dhibkugu qabta”, nasiib xumase
taleefankiisa gacanta ayaa soo dhacay oo deg deg uga jawabaay.
Amrana sidaaseey kaga nabad gashay galabkaasi dhirbaaxo iyo wax ka
daran oo ku soo food lahaa. Markan carabkeedii baaba dheeraday oo
Maxamuud bey u dhigatay iney tiraahdo uma qalantid in naagi ku
guursato. Iyadaa lugaheedii ku doonatay dil iyo aflgaado waxkastoo
ku yimaadaba. Nasiibey beyba leedahay hadey sidiisa kale uga nabad
gasho waaba isagooy aflagaado u geysatay.
Maalintaasi waxaa uu ku dhaamaday guul darro iyo niyad
jab aad u weyn oo uu Maxamuud kala kulmay walaashiis ee uu islahaa
bal si kale wax ugu sheeg in kastoo u qaaday gacan uusan jecleyn
inuu ku dhifto gabadha walaashiis ah ee uu sida aadka ah u ixtiraami
jiray. Hadana waxaa uu dulqaad u yeelan waayey jawaabihii is difaaca
ahaa ee dhexmaray isaga iyo Amran.
”Waad igu jees jeestaye weyse noo taal labadeena ee
Illaahow mey hooyo tiraahdo hadalkeygey diiday waxaad iigaga fakatay
taleefanka xunka ah ee soo dhacay oo aan ka maarmi waayey inaan ka
jawaabo”, ayuu yiri isagoo qolka kasoo baxaya.
”Weligaaba is waal qurun yahow ee i dhaaf!” ayey misna
iyadoo qeylineysa tiri, iyadoo hadda xanuunkii dhirbaaxadii galab
dheer lugu dhiftay soo kartay wejigana la gaduutay. Intey
istaagtay ayey isku fiirisay muraayad meesha tiilay, mise wejigeedii
meeshii looga dhiftay dhirbaaxada ayaa dhibac dhiig ah noqotay.
Oohin bey iskula tuurtay kursigii dheeraa ee meesha yiilay, waxaana
ayadoo murugeysan ku catowday in haddii aabaheed Xaaji Yuusuf
noolahaan lahaa aan sidan loola dhaqmeen, balse nasiib darro Qadarta
Alle aan nina dhaafi karin. Ee aabaheed ay waxa dunida guudkeeda
saaran ugu jeceleyd waxaa oofsaday Allahii abuuray ee xaggiisa loo
noqonayo. Mowjado aan la ogeyn baa ku furmay hadey awoodi laheyd
galabkasi iney wax uun sameyso waa ay sameyn laheyd. Nasiib darro
waa iyadoo dumar ah oo aan laheyn awood iyo iyadoo walaalaheed balan
qaadeen iney dilayaan haddii ayan u dhaqmin sidii gabar u joogto
reerhooda laga rabay.
Cambaar markey ku jiiftay kursigii sidii wax daalan ama
jiran murugano wejigeedii ka muuqdo ayey iskaga luuday qolkeedii,
tabar darro iyo xanaaq haya awgeed ayey la dhaqaajin weysay adimada.
Si dirqi ah ayey ku haleeshay sariirteedii meeshey kaga tiilay qolka
hoostana kasoo xiratay albaabkii si haddii ay islaanti iyo wiilkii
waalnaa ee Maxamuud yimaadaan u soo gelin oo hadana aan markale buuq
iyo qeylo u dhicin.
”Aboowow hadaad noolaan laheyd sidee ayey nolosheyda
ahaan laheyd maanta. Waxaa la ii diidan yahay wiil ay nafteydu
raacday oo soomaali ah, mid aanan rabina waa la igu qasbayaa. Xaq
Illaahey miyaa waxaas, miyaaney meesha joogin wax Islaanimo sheegto
oo qadariniya qiimaha jaceylka” ayey iyadoo ooyeysa Amran tiri. Rajo
xuna ka qabta wiilka ay sheekeystaan ee ay is calmadeen. Waxeyse
isweydiisay waxa dhici doona kolka la kala qariyo iyada iyo wiilka
jaceylka daran dhexmaray oo ay durba ka muuqato sida aaney uga
maarmin maalin qura noloshiisana u dooneyso.
Lasoco cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|