Qeybtii 4aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Tallo
iskuma kaa sheego oohin bey qolkeedii iskula soo xirtay iyadoon
heysan cid u garaabta ama dareemeysa, waxey ku jirtaa marxalad adag
oo ah "Labo kala daran mid dooro" Haddii ay ku gacan seyrto
waalidkeed iyo walaalaheed oo ay sameyso sida nafteeda dooneyso
waxey cabsi ka qabtaa iney mudato ciqaab darran oo xagga walaalaheed
uga yimaada, haddiise ay balantii iyo axdigii ay wada mareen wiilka
ay is caashaqeen ay jebiso si dhibkan iyo cadaadiskan heysta uga
baxdo, waxey maanka ku heysaa in Nabsigu soo deg dego oo
waxyeeladiisa iyo baa-ba'iisa aan laga kabsan karin. Sidaas aawadeed
xaalada Amran waa "Baddu meeshaad kagtaa ka dhanaan"
"Allayahow caashaq aan cudurkiisa cidna kuu ogeyn
caloolyow iyo ciil badnaa. Casiiskow hadmaan ceyshka la cuni
inankaan Calmaday oo cindigeyga ahaaday?"
Amran
baa ku catowday markale iyadoo ku jirta jahawareer kii ugu weynaa ee
abid gasho tan iyo intii ay garaadsatay. Waxey weligeed aaminsaneyd
iney tahay ruux talada leh oo u arimin karta aayaheeda iyo cidda ay
lawadaagi doonto, hadase waxey u muuqataa qof aan heysan awood badan
oo la muumulo siddii carruur labo jir ah.
Duq
Faadumo waa Amran hooyadeed siddii caadadu aheyd iyadoon kuleyl iyo
qabow midna ku heyn wareerka lasoo gudboonaaday gabadheedii ayey ka
timid qaraabo salaankii ay ku maqneyd oo tartiib qolkeedii iska
gashay, iyadoon eeg eegin sida xaaladu tahay. Maxamuud markuu maqlay
shanqarta islaanta hubsadayna iney qolkeedii u gudubtay ayuu deg deg
uga daba tagay oo inta ku garaacay albaaka weydiistay inuu soo geli
karro.
"Soo
gal hooyo" bey tiri. Maxaa darnaa bey hadana hadalka sii daba
dhigtay iyadoo kursi meesha yaala ku sii fariisaneysa sina uga
muuqdo daal aad u daran iyo islahadal baryahan ku soo
kordhay.
- Hooyo
wax daran ma jiraane, iiwaran adiga, xageed sidan ugu soo
daahday? - Hooyo waa adigii ogaa habaryartaa baan u tagayoo
waxaan kala hadlayey arrinta Amran iyo guurka Cabbaas, si ay iyadana
tallo uga dhiibato waatanoo ileyn waad ogtahay iney diiday inkaar
heshadan wiilkii aan u doortay. Dadkey rabtaa iney igu ceebeyso.
Meeday
iyadii hadda habaar waalid bey qabtaa, Wallee uma duceyn ee bal taas
aayaheeda dambe hala ogaado sida ay ii xakaarisayaa, tanaa tanaa!.
Iga daa warkeeda maandhoow aan ka nasto cambaar weyba i waashaye.
-
Nasiino ma jirtee mid aan kuu sheego, maanta waan dilay oo dhirbaaxo
aan weligeeyba kala xishoon jiray baan ku dhiftay markeey muranka
iga badisay. Wax kalena kuma aynaan murminee, waxaan islahaa
daganaan wax u fahansii.
Gabadhana waxey dooneysa hooyo sida aan hadalkeeda kafahmay
iney gidaarada la istaagto wiilasha ciyaal suuqiinta ah. Waxaan u
maleynayaa iney nin xirriir la leedahay.
- Ma
dhirbaaxo keliya ayaad ku dhifatay oo maa laftey taagtaba jebisid
wasaqada xunta ah ee aan istaahilin in la ixtiraamo. Ayey ciil
dartiis hayey tiri Duq Faadumo markii lugu soo hadal qaaday warka
Amran xay iyo fir fircooni ka muuqatay
- Iigu
yeer anaa balan qaaday maanta in dhirbaaxo iyo wax ka badanba
korkeeda ay ku dhacaane, xageen geynayaa gabar aan warka waalidkeed
maqleyn ma aneey rabtaa in la igu sheekeysto oo weliba ay ogtahay in
reeraheeda ay war badan yihiin oo xumaanta raadshaan.
- Waa
runtaa hooyo, waan ogahay in reeraha aan ka dhalanay ay war badan
yihiin oo xumaanta raadshaan. Tan iney naceebeyso keliya ayaa
naloogu dhalshay, ayuu yiri Maxamuud oo isagu dabacsanaan u
muujinaya islamarkaasina iska dhigaya nin garabka islaanta taagan oo
waxey tiraahdaba "Taxta Amrak" yiraahda.
Intuu
istaagay buu yiri waan u yeerayaa tii hooyo ee bal daganaanta kaasho
waxba yaanan ciilka iyo carradu ku qaadinee! Amran halkeedii bey
jiiftaa iyadoo filin xiiso leh u shidnaa "Labo kala barisay kala war
la'ee" maba oga sida loogu tashanayo, ee waxey dhex ma quuraneysay
riyada beenta ah ee ay isku maaweelineysay. Kuna fekereysa sida ay u
ahaan laheyd ruuxa ugu farxada badan dunida haddii iyada iyo
gacaliyaheeda Axmed ay galaan aroos iyo guri xalaal ah oo looga
raali yahay.
Riyada iyo hadba ruu wax jecel rajo kunool baa
la yiraahdaaye intuu filinkaasi u shidnaa, Maxamuudkii waalnaa ayaa
si naxriis darro ah albaaka u garaacay, "Naayaa hooyo, gabadhaadan
ceeb u joogta ah hooyo baa kuu yeereysa ee si deg deg ah ku soo bax,
haddii kale albaabka intaan jebiyo ayaan feer kaaga soo bixinayaa
qolka" ayuu ku qeyliyey isagooo ismaqashiinaya islaanta si ay u
taageerto maskaxdiisa u eg laheysta.
Amran
markey codkiisa maqashayey ayeyba docdii kale sariirta isku rogtay
iyadoon dhag jalaq u siin warkiisa. Markale ayuu misna albaabka xoog
u gaaracay isagoo ku celinaya intii uu horey u dhahay.
Islaantii baa maqashay qeylada ka dhaceysa, intey soo baxday
bey u timid Maxamuudkii hortaagna qolkii Amran. - Naa maa furtid
albaabka sow adiga maahan waxa lala hadlayaa, maxaad isku dhaga
tireysaa? Markale inaan ku iraahdo qolka kasoo bax ma rabo ee sida
ugu dhaqsaha badan iigu imow fadhiga ayaan sii aadaya, ayey inta
tiri Duq Faadumo wiilkeediina gacanta sii qabsatay.
Islaantii hadey meesha timid ma war baa meesha yaala, waa in
waxkasta la yeelaa xitaa haddii ay dhib yihiin. Amran iyadoo wel
wel iyo cabsi ka muuqato muragada korkeeda saarana uu yahay mid laga
akhrisan karro ayey tagtay qolkii fadhiga ahaa ee ay ku sugayeen
hooyadeed iyo walaalkeed oo aad moodid labada qof ee u so taagan
cadaadiskeeda.
Markii
ay timid qolkii ayey aragtay hooyadeed oo indhaha ku gubeysa sugi
la'na inta ay agteeda kasoo fariisato si ay bal ugu gacan qaato ama
xitaa wax ku dhifato. Labo cad bey u kala jari laheyd hadey awoodi
laheyd maalinkaasi iney wax ku dhifato ama aaney iska ilaaliney iney
gabadheeda oo inan ah u gacan qaado.
Balse
Amran miyirkeed waa qabtaaye ma fariisan meesha ay ka filan karto
iney uga imaneyso wax gacan ka hadal ah ee waxaa ay fariisatay meel
aan sidaasi uga dheereyn halka ay fadhiyaan islaanta iyo
wiilkeeda.
- Maxaa
meesha dheer ku geynaya maad soo fariisatid agteyda, mise waad iga
faaneysa sow maahan? ayey hadal ku bilowday Duq Faadumo oo intaas
hordhac uga dhigeysa dood iyo buuq kale oo meesha ka furmo, hadduu
hadalka xumaadana aysan gacan ula kala harin.
- Maya
hooyo kaama faanayo mana diidani inaan agtaada fariisto ee waxaan
iiga muuqan meesha boos sadex qof qaadi kara, sidaas baan meeshan
iskaga fariistay ee maxaad iigu yeertay?
-
Hadaadan is indho tireyn waad ogtahay waxaan kuugu yeeraye, maxaad
damacsan tahay, maxaad go'aan ku gaartay sideed dooneysa inaad
gurigan ugu noolato. Koley gabadhadeydii warka iga maqli jirtay ma
tihid, Sheydaanka ku duufsadayna waa kugu diray reerahaagii ee. Bal
ii sheeg waxaad damacsan tahay?
- Hooyo
waxaan damacsanahay iyo waxaan go'aan ku gaaray midna ma jirto.
Aniga sidaan shalay gabadhaadii kuugu ahaa baan maanta kuu ahay, ma
jiraan cid igu kaa diri karta ama wax ii sheegtay marka yaan la ii
fahmin qalad oo waxaanan aheyna yaan la igu tilmaamin.
- Haye,
hadey jirto sida aad sheegeyso maxaad u maqli la'dahay warka lugu
leeyahay? Sow ma ogid inaad qaan gaar tahay oo markaan geeri mooyee
aan gabow kuu laabneyn.
Waxa
gabdhaha facaa ah mid kulmid ah iyo mid kaa yarba ay ku fekerayaan
mustaqbalkooda iyo nolol raaxo leh maxaa adiga kuu diiday.? Su'aalo
aan loo baahneyn bey islaantii meesha ka furtay iyadoo rabta iney
isku daydo iney si dagaan ah wax ugu sheegto gabadheeda.
-Guurku
ceeb maahan hooyo waana sunnadii Rasuulkeena (csw) cidkastana ay
jeceshahay iney yeelato reer, laakinse aniga waqtigan xaadirka ah
guur diyaar uma ihi, mana jirto cid aan u arko inaan ku aamini karro
nafteyda. Sidaas daraadeed weli calafkii baa dhiman.
-Calafku waa dhiman yahay waa runtaa balse adigu da
daalkeedii ma la timid oo ma isku dayday? Mise adigoo iska fadhiya
ayaa nin ku leeyahay kaalay anigaa ku guursanayee?.
- Maya
hooyo, laakin nin aan u arko inaan nolol la wadaagi karin baan ii
muuqan, balse wax walba waxey u baahan tahay marka ay rabitaanka
xagaaga ka timaado inaad qabatid. Waqtigan xaadirka ahna hooyo
iskool baan dhigtaa GUUR GUUR iyo nin buuqiis uma soo jeedo
tacliinteyda inaan dhameysto ayaan jeclaan lahaa, horeyna waan kuugu
sheegtay taas.
-Tacliinta ha ii dambeysee ma ogtahay inaad tahay ruux dumar
ah oo cimraaga kooban yahay?`Teeda kale marka aad leedahay nin ii
qalma oo aan nafteyda ku aamini karro ma jirro, xageed ku ilowday
wiilka walaalkaa ah ee Cabbaas? Sow ma ogid inuu ku jecel yahay oo
waxkasta oo gabar diyaar loola yahay uu kuula yahay.?.
-Ninkaas adiinkaan idiin ka kama maqlaa warkiisa, maba igu
hayo xiiso waana wiil walaalkeey ah oo aan meel ku soo wada kornay,
mana u arko nin aan nolol la geli karro. Cid kalse waa suuragal
inaan hadal u furro oo aan guur kala hadlo.
-
Cabbaas muxuu qabaa, xagee la'yahay, miyaanu aheyn nin qurxoon oo
intii la doona leh gabarna ay ku hamiyi karto? -Hooyo i dhageyso
hadduu quruxsan yahay ninkaas isagaa qurxoon, gabadhii rabtana wey
guursan kartaa, laakin aniga dooqeyga maahan, mana rabo inaan
waqtigeyga qaaliga ah ku lunsho hadalkiisa mustaqbal aan kala hadlaa
iska daaye riyo xitaa iguma arkayo.
-Cajiib! dooqaagu waa kee? Ma waxaad rabtaa inaad waqtiga
kulumiso niman jidad la istaagoow iyo caweysyo aad kala soo tumato.
Ileyn gabar sharaf leh waa tan warka waalidkeed leeyahay
yeeshee?
-Tumasho aaa?? Inaali Lilaah waa Inaa Ileyhu raajicuun, hooyo
adiga seed u hadleysaa oo hadaan ku iri ninkan marabo mana ahan
dooqeyga macnaheedu ma waxey tahay inaan rabo inaan tumasho iyo jid
is istaagis kulumiyo waqtigeyga? Waan ka xumahay inaad sidaas u
fekerto. Teeda kale aqoon baad ii leedahay hooyo, waadna ogtahay
inaan caweysyo iyo meel aysan nafteyda kuba qanacsaneyn inaan
jecleyn inaan aado, hadana aad sidaas maanta tiraahdo.
-
Haatan iyo dan hooyo, maxaad iigu yeerteen oo aad iga rabtaan inaan
qabto, aan ka aheyn warka ninkaas aad Cabbaas Cabbaas leyneysaan
?
-
Sheekada adigoon koobin gabaryahan waxaan ku weydiinaya ma cidbaa
jirto aad sheekeysataan oo xirriir idiin kaga dhaxeeya?
Shib
bey tiri Amran markii su'aashaas la weydiiyey, waqtigan xaadirka ah
Axmed oo ay xasuusteedii qadar daqiiqado ah ka maqnaa bey go'catay,
inkastoo aysan jecleyn in goob aan munaasib ku aheyn lugu soo
xasuusiyo. Hadana "MAYA" ayey ku jawaabtay iyadoo si uga baqeysa in
dareenkeeda laga akhristo waxa uurkeeda ku jira.
- Runta
sheeg haduu jiro mid aad kala sheekeysato waxa meelahan taleefano
soo dir dirao maalin walba? - Hooyo MAYA MAYA, ma jirro ee fadlan
i runso! - Gabar waqtigan jirta baanan ka akhrisaneyn nin xirriir
lama lihi, ee waxaan kuu sheegayaa oo keliya walaalkaana horey buu
kuu yiri. Ha isku dayin inaad ragga islaameed been u sheegtid. Ogow
aniga iyo dhamaan walaalahaa iyo reeraha aad ka dhalatayba waan isku
raacsanahay in adiga Cabbaas la isku kiin darro intaad iskuulka ka
dhameysatidna la dhowrayo, waana go'aan aan ka laabasho
laheyn.
Amran
cirkaa ku soo dumay markii la yiri warkaas naxdinta leh, iney suuxdo
wax yar bey ku sigatay. Wadnihii baaba istaagi rabay naxdin iyo
anfariir awgiis. Aaamusnaan dheer kadib bey u muuqatay wax
miyirkeedii maqnaa soo laabtay.
- Hooyo
ma waxaad ku taliseen farxadeydii mise muragadeydii baad ku
heshiiseen, waa adiga leh dhamaanteen go'aan baan gaaray, mase
ogtahay inaan aniga ahay cida awooda iyo xaqa leh ee nolosheeda
xukunkeeda Illaahey kasokow? Qofkaan aniga rabana uu yahay kan
keliya ee agteyda qiimo ka leh oo dabeecadiisa iyo dad la
dhaqankiisa isoo jiidan.
-Waxaan
diyaar u ahay inaan ciqaab tan ugu xun muto oo aan ku guur la'aado
inta aan guursan lahaa ruux aanan guurkiisa raali ku aheyn nafteyda
iyo dooqeygana isiin.
Hadal
iyo dhamaantii waxaad doontaan igu sameeya. Kun hadey muslinto kuna
ay kufriso oo diinta Islaamka ka baxdo, ninkaas aad Cabbaaska ku
sheegteen marna sariir la seexan mayo, aakhiro leen aadaya ama waan
u mustaqbal seegayaa maahee...!
Lasoco cadadka dambe insha
Allaah!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|