Qeybtii 5aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Amran ayaa hadalkaasi aan marna laga fileyn siddii gantaal
wejiga ka saartay islaantii hooyadeed aheyd ee maantoo dhan
muxaadarada u akhrineysay.
Intey
ka istaagtay geestii ay kaga fadhisay kursiga damacdayna iney ka
tagto meesha ayaa waxaa gacanta ku dhigtay walaalkeed Maxamuud oo
Xaajiyadu u soo kaxeysatay iney u adeegsato xoog haddii Amran la
timaado go’aan aan aheyn kan ay jideysay.
”Fariiso” intuu yiri ayuu si xoog leh kursigiii ugu
cadaadiyey una sii raaciyey iney xaaladu dagaal isku badali doonto
hadey meesha ka dhaqaaqdo iyadoon amar la siin. Amran isma waalin si
tartiib ah ayey markale kurisigii salka ula heshay, iyadoo indhaha
ku gubeysa walaalkeed ayey si kulul hadalka u tiri ”Iga fuq
axmaqyahow aan caqligiisa ku socon ee raacadata ah”.
Duq
Faadumo oo la dheygagsan isbadalka iyo dabeecadaha cusub ee
gabadheeda la soo baxday labadan beri ayaa markale hadalkii dib u
bilowday.Iyadoon juuq iyo jaaq aan u oran intii Amran hadalada
qalifsan ku hadleysay.
-
Amraneey ma maanta ayaad gaartay heer aadan dhageysan warkeyga oo
xitaa aad ku dhaqanto caasinimo iyo hadal aad igu soo celiso. Horaan
kuugu sheegay iney jiraan dad kuu sheekeyey oo kugu yiri ”Naa
hayeelin islaanta warkeeda”, laakinse dadkaasi meesheey ku geeyaan
baan arki doonaa. Anniga uunbaa hooyadaa ah, Illaaheyna kasokow ifka
anigaa ku keenay teyda uun baad ku socon doontaa insha
Allaahu.
- Intii
hore waxaan moodayey inaad ka soo roonaan doontid oo caqligaaga
kaashan doontid, haatanse waxaad noqotay mid farro baxsatay oo aan
reerka katirsaneyn. Haatan iyo dana Cabbaas waxaan dooq iyo ima
cajibin aheyn miyaad ku diiday mise wax kale?
- MAYA,
hooyo waan kuu sheegey inuusan dooqeyga aheyn ee isku daya inaad
texgilisaan go’aankeyga. Aniga ma ihi carruur labo jir ah oo aad
dabka celineysaan, waxaan ahay gabar qaan gaar ah oo maskaxdeeda
isku maamusha. Cidaan guursanayana anigeey ii taal, waajibkiina waa
texgelin iyo qiimeyn hadaan taas idiin ka waayana dee siddii roon
Rabbaa og.
-
Wallee waa yaab, waxaan maqli jiray ”Hashu maankeey gadaye ma masaar
bey liqday” Tana wey ii laabneyd, naa i dhageyso intan ka badan
dulqaad uma yeelan karro waxaad ku hadleyso dadkana igu ceebeyn
meysidee labo middii kuu roon ku dhaqaaq, inaad siddii gabar la
dhalay oo waaliidkeed baari u ah maqasho qaadatidna nasteexda iyo
narruurada luguula rabo oo aad guursatid walaalkaa Cabbaas iyo inaad
caasi iyo deyro naga ahaatid weliba aad saacadan la joogo aad ii
faaruqisaa gurigeyga dib dambane aadan noo soo sheegen, ileyn gabar
aan hadalka hooyadeed maqleyn ku heysan mayo guriga e, reerihiina
xumaa ee xanka iyo dadka oo dhabarka gadaashooda laga hadlana u
qeybsanaa i caayimayaan ma garatay warkeyga?? Adigeey kuu taal
sidaad yeeli laheyd, kasoo feker!
Yaab
iyo amkaag ayaa Amran kasoo haray, iyadii iyo hooyadeed baa qofba
qofka kale la yaaban yahay dabeecadaha cusub iyo hadalada noocan ah
oo aan weli la isweydaarsan intii Xaaji Yuusuf noola.
Waxey
sameyso ma taqaan tallo ayaa ku cagaaratay, waxey isweydiisay
haddeey islaanta mar hore u sheegi laheyd in London wiil ay isku soo
barteen u xirriir ka dhaxeeyo ay xaajadu malaha intan ka roonan
laheyd. ”Wallee kama roonaateene iga tag hooyadeey sow mida hadeer
sidan naxariis darrada ah iigula hadleysa maahan” ayey nafteeda
iskula hadashay, murago adduuna la soo deristay. Ileyn waa tanoo
caaweyba ugu darneyd oo la yiri iiga bax gurigeyga hadaadan yeeleyn
wiilka aan kuu dooray.
Maalinteey dhalatay ilaa iyo waqtigan xaadirka ah gurigooda
meeel uma dhaafin, inkastoo ay muuqaal ahaan u muuqatay mid maqbiyo
ah oo aan banaanka u bixin gurigii lugu dhalay hadana waagii
aabaheed noolaa waxey aheyd mid dareemeysay xorriyada macaankeeda
waqtigey doontana bixi jirtay soona laaban jiray. Haddase bixid ay
baxdo daaye, waxey qarka u saaran tahay in laga reebo iskoolkii
xumaa ay islaantu u aragto inuu yahay mid fidno ku ah gabadheeda
tacliin ay kasoo barato daaye.
- Hayeh
tallo adigeey ku agtaal gabaryahay waxaan kaa doonayaa inaad jawaab
deg deg ah isiiso cudur daarna ha isku dayin inaad bixiso lagaa
yeeli mayee.
-
Laakin hooyo miyaadan aheyn qof Illaahey ka baqaya oo muslin ah,
maxey tahay cadaadiska heerkan ah, miyaan kaa mudanahay hooyo inaad
sidan iigu qasabto waxaanan nafteyda u rabin? Hooyo miyaanan aheyn
gabadhaada? Sow naxariista ay wiilashaada kaaga baahan yihiin
kaagama baahni anah mise imaadan dhalin oo hooyadeey ma tihid? Ayey
Amran oo ooyeysa tiri, xaaladana ay ka xun tahay oo aysan garaneyn
meeley uga baxdo xujan adag ee qoorta loo suray.
-
Nacam, hooyo gabadheydii waad tahay oo Illaahey baa i maqlayee
intaan dhalay adigaan kuu jecelahay, intaas oo dhana waxaan u
yeelayaa waa wanaagaaga iyo gabadhaada ha noqoto marwo sharaf leh
sidaan aniga gurigeygii ku soo dhistay. Waxaanan jecleyn o keliya
gabar meelo is istaagto oo waqtigeeda maalayacni ku dhumisa iyo
ciyaal suuq xun oo ay warkiisa wad wado.
-
Laakin hooyo adiga iyo aniga isku mid manihin waan kala duwanahay
xilligaad hooyo reer laheyd aniga waxaan ahaa carruur , caqli iyo
aragti kuu gaar ah baad ku dhaqmeysay waqtiga aad ka hadleyso. Balse
aniga hooyo duni isbadashay ayaan ku noolahay iyo jiil ka duwan
midkaad adiga ku nooleyd. Hooyo aniga dooq ayaan leeyahay, nolosha
si baan u arkaaa, hadaan guursanayana waxaan rabaa inaan farxad ku
guursado iyo nin aan qasab la iigu darin. Mida aan isku fahmi
weysanahay adiga iyo aniga waa intaa. Waad ogtahay hooyo inaan
weligeey kaa diidin hadal aad tiraahdo maanta kahor. Marka i fahma
oo yeysan qeyrkeey i caayin oo aan ahaado ruux talada ka go’da
waalid iyo walaal baa tihiin wixii aan ku qaldanahay waad ii sheegi
kartaan, laakin midan oo kale anigaa idiinkaga saxsan sidaas ula
socda.
Duq
Faadumo dhabano heys ayaa ka soo haray dhalaankan ay iyada dhashay
oo intaas ay la soo ekeysiisay baa maanta waaninaya ”Cimrigaaga
dheerada geel dhalayana waa ku tusaa,ileyn waa tannoo kale” ayey
intey ku guuxday tiri ”Maandheey hadalka kale oo la yeelayaa ma
heysaa kan mid igu soconaya maahee”.?
Maya
hooyo mahayo, hadaad gurigaaga i bixin laheyd waqtigan xaadirka ah
iyo hadaad midkan ku ag fadhiya ee feeraha weyn aad oran laheyd dil
ama daa adigeey kuu taal, go’aankeygii wuxuu yahay in jaahilkan aad
Cabbaaska ku sheegteen uu iga yahay aabaheey oo kale. Adiinkana
tiina meel bey idiin taalaa. Intey Amran sidaas tiri bey ka
baxday qolkii fadhiga ahaa maantoo dhan showrka ka socday, natiijana
aan kasoo bixin.
Maxamuud baa siddii galab dheertii hore oo kale isku dayey
inuu gacanta ka hadlo ileyn shaqo aan gacan aheyn uu qabto ayaan
jirinee, balse Duq Faadumo ayaa tiri iska daa, waxaan la
damacsanahay baa ka badan midaad hada u rabtee.
Amran
iyadoo leh Alxamdu Lilaah, adigaa kii gacantiisa igu dhifan markale
ayaa la soo garaacay albaabka goortay damacday iney qolkeeda gasho
kuna soo leexatay garaaciisa, iyadoo jecleysan ruuxa saacadan socda
iney wejigiisa aragto ayey furtay albaabkii mise waaba Cabbaas-kii
adduunka oo dhan dartiis loogu yareeyey cadaabtana loo marinayey
”Necbiyaa Jaahaaga!” ayey hoosta ka tiri markey aragiisa
aragtay.
”Waan
ku salaamay abaayo” ayuu hadal ka bilaabay markuu arkay gabadhuu
aadka u jeclaa wejigeedii, filan waana ay ku noqotay inuu Amran oo
uu ku haminayey weligiis ay maanta joogto guriga. Waayo marar badan
uu reerka soo booqday meysan joogin, sidaas daraadeed maanta
aragtideeda maalin ciideed bey kaga dhigan tahay iyo gaado ka
ciyaar.
- Nabad
walaalkiis ee soo dhaaf, ha is martiyeen, bey tiri iyadoo uurka ka
gubyooneysa jaceylkii walaaltinimo ee yaraantoodii ka dhaxeeyeyna uu
hadal isku badalay naceyb kan ugu xun ee ruux bani’aadam ah loo
qaado.
-
”Abaayo aad baan ugu faraxsanahay aragtidaada” Ayaantan luguma arage
xageed gashay guriga waan imaadaa markasta mana ku arkee, maxaa
dhacay?
-
Walaalkiis waad ogtahay inaan iskool jirro inta badan maxaad isku
yeel yeeleysa?
- Maya
abaayo waxaan is iri armeeysan weli kasoo laaban safarkii ay London
ku aaday, sababtoo ah waan ka xishooday hooyo inaan weydiiyo
markasta. Saas ayaan kuu iri xageed ka dhacday. Hada sow nabad
maahan? Waa Illaahey mahadiis hadaan maanta ku arakayo adigoo
caafimaad qaba ee reerka yaa jooga?
- Hooyo
iyo Maxamuud baa jooga ee soo dhaaf!
-
”Fiiri abaayo Amraneey, dan baan kaa leeyahay firaaqo aan kugula
hadlo meysaa 10 daqiiiqaba Allaah ka dhigee,?
-
Haddii loo baahdo waa la helayaa toban iyo wax ka badanee maxey
tahay danta aad iga leedahay maanta?
Abaayo
ii ogolow inaan meel aan guriga aheyn ku wadahadalno waayo guriga
dadkaa ku badan munaasibna maahan, marka ”Min fadlag ii yeel
codsigaas abaayo!”
-
Berito haddii Alla idmo maxaad qabanee, iskoolka meeqo saac ayaad
kasoo baxeysaa?
- Ok,
Berito 4-ta galabnimo ayaa kasoo baxayaa markaa waan heli karaa
firaaqo yar, aad iigu sheegato dantaada.
-
Mahadsanid abaayo waan kugu ogaa dadnimadaas iyo dabeecadaada
dahabka ah ee aysan jirin wax la siisto, hadaba waa inoo berito
insha Allaah, iskoolka ayaan kuugu imanayaa markaas ayaan meel
cafe-ga laga cabo tageynaa. Hadana reerka ayaan u sii tagayaa ee waa
ku kaas. Intii yiri ayuu u sii dhaqaaqay dhankii fadhiga ee ay
joogeen islaanta iyo wiilkeeda isagoo farxada wejigiisa ka muuqata
laga akhrisan karro hadduusan duulin siddii shimbiraha oo uusan
baalal yeelan ayuu nasiib lahaa galabkaasi markey tiri waan wadahali
karnaa Amran.
- Amranse intey kor iyo hoos ka fiirisay bood
boodkiisa markuu sii dhaqaaqay ayey tiri ”Nin aad ii noqotaaye iska
daaye xitaa riyo iaadan igu arkeynee armeey kuu roon tahay inaad
raacato danahaaga!”
Qolkeedii bey si tartiib hoosta kasoo xiratay markale, ciil
iyo murago ayey sariirteedii isku tuurtay sidii wax waalan, feker
bey ku dul camaritay. Xasuus dheerna dabo qabatay. Dib bey u gashay
barashadii iyada iyo Axmed ay habeen ku kulmeen meel arroos ah.
Xirriirkoodii sidduu mar qura isu badalay ayey aad ugu riyaaqday tan
iyo habeekii ay u muuqdeen dad indhahooda isa soo jiitay oo arrin
Rabaaniyan ah dhexdooda ka beermay. Ileyn jaceyl daacad ah buu
ahaaye!
Intey
fekerka iyo xasuusta sawiro hore oo kala duwanaa maskaxda midba mar
kasoo saareysay ayaa teleefankeedii gacanta oo meelaha ka dhawaa soo
dhacay, mise waa Axmed gacaliyaheedii nafta oo aysan waaydan maqal
codkiisa haraadna ay u qabtay. Dhibaatada reerka ku hayaan kasokow
waxaa maqnaanshihiisi ay u aheyd jab xoogan oo loogu daray midey
tirsaneyso.
Codkiisi markey maqashay ayey oohin qabsatay sidii ruux geeri
gashay, ”Sidan miyaa jaceylkaad ii akhrineysay iyo hadaladii
macaanaa? Hadaan noolahay iyo hadaan dhinto midna ima soo
raadineysid sow maahan Axmedow? Hadaadan cudurkan ila qeybsaneyn
maxaad iigu akhrisay maxaad ii tiri waan ku jecelahay?
Axmed-kii oo yaaban oo isweydiinayo gabadha waxa ku soo
kordhay labadan beri ayaa yiri ”Abaayo macaan sorry waan
mashquulsanaa shaqadii waad ogtahay nolosha London taala ineysan
sahlaneyn. Laakin Walaahi abaayo qalibigeyga wuu kula joogaa kaama
dheeri.
Habeen
hore reerka ayaan soo wacay waxaa la ii sheegay inaad maqneyd
teleefankaagii gacantana waad xiratay. Marka abaayo sidaas ayaan
kaaga maqnaaye iiga waran xaaladaada??”
Lasoco
cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|