Qeybtii 6aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Axmed baa intaas cudur daar iyo
maqnaanshihiisii ay Amran tabtay uga dhigay,waayo meesha kama
muuqato qancin kale oo ay aqbali karto. ”Abaayo Wallaahi si kale
kaagama maqneyn waad ogtahay inaad tahay qofka aan adduunka ugu
jecelahay” ayuu hadana yiri isagoo ay dareen gelisay oohinta ay
Amran ooyeyso.
• Macaaney maxaa kugu dhacay caawa si baa wax
u jiraane maxaa la ooyeysaa oo soo kordhay, nabadi ma jirtaa?? Ii
sheeg waxa oohinta kaa keenay si aan kuula qeybsado haddii aysan
jirin wax dhibaato ah oo reerka xaggiisa ah.
”Illaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin” intey tiri
ayey misna oohintii halkeedii kamiistay meeshii laga rabay iney
sheegto waxa jira. Kartidii ay qadar daqiiqado ah ku tiri ”maxaad
iila qeybsan la'dahay jeceylka aad igu beertay” ayaa hada ka luntay,
waxey isku dayeysaa iney raadiso awood ay markale ku hanan laheyd
kontoroolkii si aan qarsoodiga laheyn uga lumay.
- Aboowe macaan horta waxaan xiiisahaaga aheyn
imahayaan, dhibaatana ma jirto Illaahey hanaga koriyo wixii dhib ah.
Balse waxaa jirta arrin aan waayadan kaa qarinayey oo aniga iyo
reerkeena ku saabsan.
Waad ogtahay in aabahey dhintay mar aan sidaasi u
sii dheereyn. Geeridii ku timid aabahey xaqiiqdii waxaan dareemay in
garabkeygii banaanaatay oo aanan heysan cid i wehelyeesha. Waayo
aabahey Jannadii Allaah siiyee waxa uu ii ahaa waalid iyo saaxiib
aan ku kalsoonaa inbadana iiga fiicnaa reerka intiisa kale. Nasiib
xummo Amarka Alle kama weyni, waxaana uu aaday halkii ay qof walba
sugeysay.
Hadalka yaanan kuu badin, geeridii aabe kadib
hooyadeey iyo walaalahey waxey la soo baxeen weji ka duwan kii aan
ku arki jiray waa hore.
Sababtuna hooyadeey waxaa ay ii sheegtay iney igu
dareyso wiil aan qaraabo ahay oo ay soo korisay. Wiilka waxaa loo
balan qaaday in la igu darro marka aan dhameeyo Iskoolka. Isagana
intuu run mooday sheekada ay u sheegtay islaanta buu cagta cagta ii
saaray.
Marka aboowe dhibka i heysta waxa uu yahay in nin
aanan dooneyn la ila damacsan yahay in la igu darro. Waxaanse kuu
xaqiijinayaa inaan ku jecelahay, adiga oo qurana aan adduunkan ka
fiirsanayo, dhibkasta oo isoo wajahana waxaad ogaataa inaan
labadeena ciddi nakala geyn karrin. Dareenkiis Axmed awalba
oohinteedii ku riday islahadal ayaa markey u sheegtay in reerkoodu
nin ku darayaan xaalad degenaan la'aan ihi la soo deristay. Waxa uu
is dareensiiyey in haddii sheekada ay gaartay arin qoys ay tallada
farihiisa kabaxeyso Amrana uu sidaasi ku waayi karro.
Isagoo dagan sina niyada uga welbahaarsan arrinta
kediska ah ee ay Amran ka dhawaajisay ayuu yiri ”Nin sidee ah baa
reerihiinu rabaan iney kugu daraan, maxaadse horey iigu sheegi
weysay?”
• Sababta aan kuugu sheegi waayey uma heysan
iney tahay arrin qiimo leh waxaan weli aaminsanahay iney tahay mid
aan meel uga soo hari karro
marba haddii rabitaankeygu yahay midaan anigu
go'aankeeda gaari karo.
Axmed hadalkii baa ku ceshoomay inkastoo Amran rajo
iyo kalsooni u muujisay hadana weli waxaa uu aaminsan yahay in
sheekaddu sida ay moodeyso aysan noqon karrin.
”Siddii roon Rabbaa og, balse ogow Amraneey inaad
balan iga qaaday goobtii aad ku dhaartay inaad wax ila qabaneyso
mustaqbalna ila dhiseyso aad ogsoon tahay. Anigu ma ihi nin ciyaal
suuq ah, waxaan ahay nin doonaya mustabal iyo inuu yeesho reer.
Diyaar waxaan u ahay inaan waxkasta u hurro siddii aan nolol kuu
qeybsan lahaa. Balse dhowr axdigii iyo balantii dhexdeena ahaa.”
Ayuu yiri Axmed oo markan laga aqrisan karro sida ay sheekadaasi
rajo xumi ugu beertay.
Amran markale ayey meesheedii kasii waday oohintii
awalba iska saar saarneyd indhaheedii.
• Ma ogtahay Axmedow in waxkasta hadey dhacaan
aan garabkaaga ahaanayo, mase ogtahay qiimaha aad agteyda ka
leedahay inuusan ruux jirin bani ahaadan ah oo ka leh?
• Maxaad iiga dhigeysa ruux wax magarato ah,
sideen balantii dhexdeena aheydu u ilaawi karaa. Hadalka aad
leedahay waxey igu sii damqinayaan dhaawaca aan iminka qabo. Bes iga
dheh waan ku baryayaa!
• Igu kalsoonow balan Illaahey waaye adiga iyo
aniga waan isla gaari doona meesha ugu dambeysa macaan iyo qaraarna
waan kula qeybsanayaa.
• Balse hadalkaasi gefka ah markale ha i oran.
• Abaayo inaan adiga hadalka kugubo marna
ulama jeedo, waxan hadalkaasi kuu leeyahay waa dhiiragelin waan
ogahay inaad tahay ruux ilaalin karra amaanada. Hadana haddii ay
jiraan dad dhexdeena ka shaqeynaya waxey tahay mid dhibaatadeeda
leh. Sidaas aawadeed waxaa labadeena waajib nugu ah inaan nacabkasta
oo aan leenahay meel si wada jir ah uga soo harno.
Amran iyo Axmed aad bey ugu dheeraad taleefanka
galabkaasi, waxeyna axdi adag ku mareen in si wada jir ah ay Cabbaas
iyo reerkaba qorshaha ay wataan ay ugu hortegi lahaayeen waxkasta oo
dhacana ay lama huraan tahay iney niyad adag u muujiyaan jaceylkooda
cadowga ku gadaaman yahay.
Lasoco
cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|