Qeybtii 7aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Tallooyin wax ku ool ah iyo balamo adag ayey markale isla
meel dhigeen Axmed iyo gacalisadisii Amran. Niyad aan wanaagsaneyn
bey labadooda iskula dar daarmeen. Inkastoo ay wacad ku mareen iney
waxkasta oo ku soo hajuuma ay si wada jir ah iskaga celin doonan
hadana mid walba feker gooni ah baa si ugu taagan gaar ahaan Axmed
oo arintani ku noqotay filan waa. Rajadii uu ka qabay inuu Amran
nolol la wadaagana ay mugdi hareeysay.
Taleefankii markuu ka dhigay baa fikir adduun meel uu jiro la
duldhigay daalkii hayey baa mid ka tan wey ugu darsamay. Waxa uu
galay isla hadal iyo su’aalo ay maskaxdiisu ay jawaabahooda weysay.
Durbadiiba hadaladii beer xanuunka lahaa ee Amran ayuu
xasuustay. Waxa uu is weydiiyey haddii reeraha Amran ka dhalatay ay
ku daraan wiilka ay la doonayaan maxey qaban kartaa? Ma waxey u
ekaan kartaa ruux karti leh oo balantii oofisa mise waxey ahaan
doonta mid laga awood roonaado oo sidaasi lugu af duubo
gacalisadiisiina ku seego.
Su’aalo
aan jawaabahooda laheyn baa maskaxdiisa ku meereystay, isagoo isla
hadlaya ayuu kursigii uu ku fadhiayey ku gam’ay iley nin daalan buu
ahaa oo maalintii oo dhan shaqo ku maqnaaye.
Ruux
hadimo jaceyl qabo rajadiisa iyo faraxadiisa inta badani waxey ku
xiran tahay aragtida lamaaha uu caashaqay iyo sida naftiisu u
dooneyso. Waxaa la gaaray amintii ay Amran iskuulka ka soo rawixi
jirtay iyo Balantii Cabbaas Markey ka soo baxday fasalkeedii ayey
bartii ay ku balimaysay iska fariisatay. Meeshey fadhiso waa meel
aan sidaas ugu dheereyn wadada ay gawaarida maraan, isheedu waxey
qabanayaa gaadiidkasta oo soo agmara.. Wey ogsoon tahay ineysan dan
iyo muraad midna ka laheyn Cabbaaskan adduunkoo dhan mooday xoog iyo
ja juub. Balse waxey isleedahay ka sal gaar waxa uu doonayo iyo
showrka uu rabo inuu kuu sheego. Koley mid ku cusub maahan oo waa
sheeko ay ogsoon tahay xiisana aan laheyn.
Isagoo
aad ka yaabto siduu u labisan yahay ayuu gaarigiisii soo dhigtay
meeshii ay Amran ku sugeysay. “Raali noqo waan soo dahaay” ayuu yiri
meeshii laga sugayey inuu salaamo, malahaba aan war u heyn inuu soo
hormaray iyo inkale balse waxa uu ogsoonaa inuu daraadeed usoo
ordayey danno badan oo uu lahaana soo dayacay.
“Dhibmalaha” intey tiri bey hadana u sii raacisay “Iska waran
adiga?” Ileyn hadal kale o ay u aragto iney sheekada furi karto
ayaan jirine. Isnah waa intuu rabaye “waan fiicanahay abaayo macaan
ee adiga see tahay” intuu yiri buu ka codsaday iney soo korto
gaarigiisii kala jiidnaa ee uu watay. Iyadoon niyada ka jecleyn iney
korto bey sal mugiis fariisatay kurisga hore ee baabuurka.
Durbadadiiba isagoo wejigiisa laga dareemayo farxada saaran
buu dhaqaajiyey gaariga. Wuxuuse weydiiyey iney raali ka tahay iney
tagaan meel maqaayad ah oo ay isaga galabta martidiisa tahay. “Waxba
kama qabo ee inamari” ayey cod meel hoose laga maqlayo ku tiri.
Intey
jidka sii socdeen buu su’aalay heesaha ay ka hesho si u dhageystaan
inta ay ka gaarayaan meesha muraadkoodu yahay.
“Heesaha kuwaad dhageysataa? Horta raali noqo kuma weydiine,
heesaha ma dhageysataa Somali, Music nooceed ka heshaa?? Ayuu
Cabbaas ku bilaabay sheekada si bal ay dareenkeeda u amaahiso, isnah
ay fursad ugu noqoto in meeshaasi ka fumo hadalo hordhac ah oo
wadada u sii xaarta danta maanta uu ka leeyahay ee ah inuu soo
bindhigto jaceylka uu qabo.
-Soomaaliga ayaan isleeyahay waa lafahmi karaa, hadaadba
heyso hees la dhageysto! Ayey Amran oo aanba jecleyn in hees hees
iyo afaaaro aysanba niyada ku heyn lagala hadlo jawaab ka
dhigtay.
- Ok,
heesaha reer Xamarka, mise reer Waqooyiga keed isku fiican
tihiin? “Wax uun noo saar, koley waa iskugu key mid” ayey misna
sii raacisay hadalka.
Isagoo
aan jawaabta gaaban ee Amran bixisay ayey gacantiisa soo laacday
cajal kamid ah kuwa uu sida aadka ah udhageysto. Waa heeso isku jir
ah oo isaga gacantiisa ku soo xushay, lagamana waayo
baabuurkiisa. “Gartaan gudi oon u geysto ii garaabo maa
lawaayey?” Cajiib! Halmar ayey dhagaheedii maqleen hees Xamari ah
oo ay ku luuqeyso fanaanadii caan baxday ee Luul Jeylaani, intey ku
jeeday fiiriskii hareeraha wadda iyo gaadiidka iyo dadka tirada
badan ee is garab maraya.
Markey
maqashay ereydaasi hore, ayey is dareensiisay in heestu iyadu
tilmaameyso una baahan tahay muslin iyo gaal bal uun wax soo kala
dhex gala mashaqada iyo reeraheeda kala heysta. Ileyn laftooda
haddii loo baahdo guddi garta qaada wey noqon.
Intey
fiirisay Cabbaas ayey weydiisay inuu dib ugu soo celiyo heestii ay
maqashay wax yar ka hor intuusan dhaafsiin, “Waayahay abaayo” ayuu
hadana saaray hees kale oo banaadiri ah isagoo oranaya ” hees kale
aan ku maqashiinaa ee isug tan xoogaa calaacal waaye, anaga hada
heeso calaalcal ah ma rabnee”. Mabeysan helin fursad ay ku weydiiso
iney heestaasi ay calmatay dhageysato jeer ay dhagaheeda maqleen tix
kale oo hees ah kana mid ah heesaha uu sida goonida ah u
xushay.
“Baladiyo baadiyo bulshada dhamaanteed kii kasoo Baxsadee
iigu beer nugul waaye! Barashadiisa boggey ku taallee wey i
baanisaa. Bartilmaameedkee jaceylkee iyo boggoo isoo
burqaaye Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!
Beer
mineey baxdo waa barwaaqo loo baraanbur tuntaaye Barbaxna kuu
noqotaaye. Anah berigaan u baahanaye Billahey ha
isiiyee Bartilmaameedkee jaceylkee iyo boggoo isoo
burqaaye Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!
Bushuhii baas iyo balaayo ma arkee Bqol ka roonihii waaye
boqorkii barbaartow. Waan u bogaye aney bilicdiisu ii bishaaro
tahee Bartilmaameedkii jaceylkee iyo boggoo isoo
burqaaye Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!!
Waa
hees si aad ah dareenkeedii usoo jiidatay midey dooneysay iney
daqiiqado ka hor dhageysato tan baaba ugu qiimo badan marka loo
fiiriyo miraha heesta hore. Tanise waa mid tilmaameysa gabar wax
jecel kuna qanacsan ilaa xad wiilka ay calmatay, kaasoo ay ku
misaashay boqorkii barbaarta. Halkii tii hore aheyd gabar calaaleysa
oo dooneyso cid u garsheegato walow aysan heestoo dhameystiran
dhageysan, hadana waxey fahmi laheyd haddii loo deyn lahaa iney si
fiican u dhuuxdo macanaha haasta.
Heestan
dambe waxey dib ugu celisay xasuus keyd hore ahaa iyo barashadii
gacaliyaheedii Axmed oo maanta wax kasta kala qiimo badan. Waxey
keydaasi xasuusta ah dul dhigeen ayaamo qurux badan oo ay ku soo
wada qaateen London. Iney ooyso wax yar bey ku sigatay. Balse wey
waxey isku dayeysaa iney qariso ilaa xad si aan loo dareemin.
Qadar yar kadib waxaa la yimid goobtii Cabbaas ugu talagalay
Amran inuu muraadkiisa u soo bandhigto ee maqaayada
aheyd.
Waa la
fariistay kuraastii quruxda badneyd iyo maqaayadii cajiibka laheyd
ee qurux adduunoo dhan lugu laray. Daqiiqado gudahood wiil loo
carbiyey soo dhaweynta martida ayaa u yimid labadoodii oo meesha
fadhiya indhahana midba midka kale ku xadayo hadalse aan jirin oo
indhaha keliya la iska fiirinayo. Waxaa uu dabadeed u dhiibay buug
ay ku qoran yihiin dalaabka noocyada kala duwan cuntada iyo
cabtinaadana ee isug jira qabow iyo kuleyl. Durbadiiba Amran
waxey fiiris igu dhaqaaday buugii loo dhiibay si ay u dalbato waxey
cabto inkastoo gaajo heyso hadana uma muuqato mid rabta iney baahi
heyso awgeed wax u cunto. Waxey isleedahay yaan lagaa dareemin ee
wax qabow ama kuleyl ah dalbo.
“Maxaad
cabeysaa Amraneey, ma eegtay cabitaanada!? Haye noo dalab hee, aniga
midkaad qaadato ayaan ku jiraaye!” ayuu yiri Cabbaas oo indho
caashaq ku eegaya. - Maya walaalkiis weli wax ma dalban waxaan
dalbado iigama muuqdo meeshan.
- Maxaa
dhacay abaayo?? Alloore hadalkaas anigaad igu xumeyneysaa maahoo??
Inaan kaa xanaaqo maad rabtaa, maxey tahay waxaan ka dalbado iima
muuqdaan?? - Maya, laakin gaajo ayaan i heyn, marka qaxwo ayaan
rabi lahaa haddii la heli karro. “Ka darro dibi dhal!” Waxey
muujisay xirrxirnaansho ilaa xad, aan geed ku gabasho laheyn iyadoo
muujineysa sida aysan marna ku qanasanayeyn joogitaanka waqtigan
xaadirka ah ay ag joogto Cabbaas iska daa iney habeen quranolol
wadaagaane. Durba Cabaas waxa uu dareemay wel welkii uu ka qabay
iney ku gacan seyrto codsigiisa, inkastoo uusan weli mowduucaas kala
hadlin hadana niyadiisa ayaan daganeyn.
-
Abaayo waxaan jeclaan lahaa inaad wax kale cosato qaxwo wax la cabo
maahan waadna ogtahay in maantoo dhan aad iskoolka joogtay. Baahida
lafteyda waan dareemayaa ee xishoodka iska daa! - Hadaad
xishooneysid anigaa noo wada dalbayo kawaran
arrintaas? “Waayahay” wax kama qabo
Lasoco
cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|