Qeybtii 8aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Codsigii Cabbaas sidaas ayey Amaran ku fulisay. Waxaa halkii
lugu cunay qado cajiib ah inkastoo aan Amran cunto sidaas u buuran u
cunin, hadana markii la qadeeyey ayuu Cabbaas weydiiyey iney ku dari
kareyso shaah ama qaxwo si hadalka u sii furmo. Dhaqanka uu bartay
iyo meesha uu joogaa baa caado waxey u tahay in la qaxweeyo marka la
qadeeyo layaabna malaha inuu yiraahdo sidaas.
“Maya
waan dharagsanahay mahayo meelaan wax marsiiye ” ayey cod xishood ku
jiro u tiri. Allow yaa caloosheeda soo baara oo eegga waxa ku jira.
Iney been sheegeyso ayaa la ogaan lahaaye.
Intuu
koob Cuppacino (kobashiin) ah, codsaday ayuu yiri “Xallaal caleek
maanta waad igu xumeyneysaa waxkasta laakin dhib malaha Amran baad
igu noqotaye cid kale hadey ahaan laheyd waan ka cad goosan lahaa
maalin kale”........... Intey qososhay ayey tiri hadaadba ku
fekereyso cad goosasho nin nacas ah baa tahay.
Dhoola
cadeyskeeduu u boggay qalbigiisi bey wax yeeleysay, inuu iska
fiirsado intey hadleyso buu dan ka dhigtay. Iyadana markey aragtay
inuu ku muqan yahay bey kas hadalkii ukala goysay oo ku tiri “maxaad
ka fekereysaa?” Maya abaayo fekerimeynee waxaan la qashuucsnaa
qosolkaaga quruxda badan, ayey noqotay jawaabtii ugu horeysay ee
afkiisa kasoo baxda. Waxaanu markan isku dayayaa inuu noqoda geesi
haasaawaha kala roggi kara.
Hadalkii markuu bilaabay ee ay afkiisa kasoo baxday ”Abaayo”
ayuu hadana amuusay. Ma yaqaano sababtuu u aamusay, balse waxaa uu
awoodi waayey inuu sii daba dhigo hadal kale oo la dhageysan
karro.
Wuxuu
sheego mayaqaano tallaa ku ciirtay, indhuhuu mirig mirig ka
siiyey.
Intaasoo jees jeesad ah iyo hadal ku margasho ahaba Amran wey
arkeysaa dan iyo heellose kama laha. Illaahow meeshan iga bixi weji
xumadeeda ma arki karee bey iskula guuxeysaa. Niyaduna kuma
qanacsana iney sii fadhiso, meeley ogtahay bey ka jeclaan laheyd
iney waqtiga ku dhameysato.Mase noqon, nin warjiro moog ahna sheeko
iyo haasaawo ayuu karabaa (Labo kala barisay kala war
la’a!).
”Amraneey waxaa jira markaan dhabta kaala hadlo arrin aan
weligeey qarsnayey islamarkaasina aan jeclaa inaan kuu sheegto.
Maxaad ka qabtaa hadaan kuu soo bandhigo waxa uurkeyga kujira!?”
Ayuu yiri Cabbaas oo markan u muuqday mid awood qasab ah xoog ku
keenay isagoo si welbahaar ugu tagaan yahay.
”Waxba
kama qabo waxaad doonto waa ii sheegan kartaa” Ayey Amran ku
jawaabtay iyadoon qabow iyo kuleyl midna ku qaban.
Wadnihii baa ku sigtay inuu shaqada joojiyo, ileyn waa tanoo
Amran baa tiri wax wale iyo waxaad tabaneyso waad ii sheegan kartaa.
Geesinimadii lugu sheegi lahaa baa la iska rabaa!
-
Amraneey waa laga yaabaa iney tahay sheeko aan sidaasi agtaada xiiso
uga yeelan karrin. Balse aniga aad bey iigu weyn tahay. Abaayo
kasokow walaaltanimada dhexdeena iyo ehelnimada naga dhaxeysaa
intaba waxaan ahay nin si gaar ah adiga kaaga helay.
-
Xaqiiqdii aad baad ii soo jiidatay, waxaan jeclaan lahaa ineynu
sheeko wadaag noqono kadibna aan isla meel dhigno armo guur ee
maxaad ka qabtaa?”
Inkastoo Amran sheekadan ay xog-ogaal u aheyd hadana aad bey
ula yaabtay sida uu ninka u hadlayo. ”Waad isoo jiidatay kulahaa
edeb daradiisa ma anigaa iri isoo fiiri” ayey hoosta ka tiri iyadoo
dhoola cadeyn been ah muujiseyna.
- Horta
walaalkiis aad baad ugu mahadsan tahay martiqaadkaagii qiimaha
lahaa. Mana ilaawayo, hase ahaate hadaan kaaga jawaabo codsigaaga
aniga walaalkeey baa tahay weligeyna waan kuu aqoonsanaa inaad tahay
walaal aaney jirin wax la siisto mana u heysto inaad tahay
gayaankey. Sidaas daraadeed anigoon sharaxaad kale ku siin karrin
ayaan kuu sheegayaa in sheekada aad wado aan ka door bidayo in
walaaltanimada halkeedii ahaato. Waayo walaaltanimo wax ka qurux
badan ma arko.
-
Abaayo walaaltanimada intaad meel iska dhigto ma sabab kale oo aad
igu diido baa jirto miyaanan aheyn nin gayaankaa ah oo ku damci
kara?
- Haa!
Waad i damci kartaa oo guur baanu kala mudanahay, hase ahaatee aniga
Amran ahaan waqtigan xaadirka ah waxaan xiriir jaceyl naga dhaxeeyaa
wiil aan muddo wada soconay. Marka wey igu adagtahay inaan ka baxo
balantii aan qaaday. Dhabta hadaan kaaga hadlona waan jecelahay
wiilka ruux kale umaba hayo niyad………….!!
Bombkii
aysan weligeed jecleyn iney qarxiso bey dhulka ku dhifay .Markaasuu
bug yiri! Illaahow wadno xanuun badanaa ! Inuu meesha sii fadhiyo ma
uusan jecleysan markey Amran u sheegtay iney jeceshay wiil ay
xirriir la leedahay. Rajadii uu ka qabay iney Amran ahaato ooridiisa
ay sidaasi ku soo afjarantay.
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|