Qeybtii 9aad
Miyaan dooqa keligeey laheyn?
Tallaa
ku ciirtay wuxuu is mooday in wiish sammada dhex kula go’aywarkii
naxdina laha ee Amran kaasoo ku noqday warran labo afle ah uusan
filananeyn oo wadnaha looga dhigtaftay. Cambaar buu aamusnaa, iyada
uun bee eegayey indhaheeda. In door ah markuu meesha aamusnaa, buu
cod meel fog laga maqlayo ku yiri. “Kaama fileyn warkaasi naxdinta
leh” Amranse iyadoo is moogeysineysa iney hadalkaasi dhagaheeda
maqleen ayey tiri “Kumaan maqale maxaad i tiri?”.
“Abaayo
waxaan ku iri kaaman fileyn inaad sidaas i dhihi doontid oo aad igu
gacan sareyso. Waxaan lahaa walaashaa wey kuu garaabi doontaa. Kuna
fahmi doonta. Hase ahaatee waxaad ii muujisay inaad dooneysso inaan
kaa fogaado, anah waxaan lahaa dadka intiisa kale iskaga soo
dhawaada oo cadowga iska dugaashada!.
- I
dhageyso Cabbaas, walaaltanimada iyo damaca kala saar!. Aniga waan
kuu hayaa walaaltanimada aad ii heyso mid lamid ah, lagamana yaabo
iney taasi meesha ka baxdo. Balse waxaad ogaataa in sheekada aad
wadato aanan diyaar u aheyn. Taasina ceeb maahan hadaan ku iri qof
baan xirriir la leeyahay, waajibkaaga waa inaad aqbashaa. Ma garatay
hadalkeyga?
Kalmadii afkeeda kasoo baxdaa waxey ku noqtaa dhimbil dab ah,
gabadhii uu kuhamiyey baa ninkale dooneysa iney nolol wadaagto
haddii calafku isku simmo. Wuxuu moodaa in Amran ay u hogaansami
karto caadooyinka ay leeyihiin ka reer ahaan ee gabdha la isa siiyo.
Maanta Amran yeelimeyso in Axmed yare ay nin kale ku doorsato.
Jaceylka ay u heyso ayaa waxkasta kala qarro weyn.
-
Abaayo aniga waxaan ahay nin ku caashaqsan kaana helay ilaa xad.
Walaaleey ninkan aad leedahay xirriir baa naga dhaxeeya, koley
sidaan dareemayo ma ahan mid kula joogo waqtigan xaadirka ah, waxaan
ula jeeda hadalka aan dalka daganeyn. Hadaad anigana isiiso fursad
kawaran oo aan ku kasbado kalsoonidada.?
-
Kaalay walaal waxaan kuu moodayey inaad tahay nin wax garad ah,
caqligaaga kaasho. Waxkasta hadey dhacaan labadeena xirriir nama
dhexmari karro. Cid kalana yeelkeed. “Yacnii qof baa sheekoooooo
naga dhaxeysa!” Hadalkaasna ha ku deeqo.
-
Fiiiri aboowe, fadlan waa goor dambe xaafadii inaan aado ayaan rabay
waad ogtahay islaanta hooyadey ahee. Ma sii baxi karnaa?
- Haa
abaayo! Laakin kasoo feker hadalkeyga Amraneey, iskuna day inaad i
barato weli aqoon iima lihid, waxaa dhici karta in ninkaas aan kaaga
fiicnaado.......! Wuu yaaban yahay, wuxuu isleeyahay talow ma adigey
kaa ordeysaa. Hadalka kediska ah ee marqura soo tuftay ayuu
dhibsaday.
- Horta
fekerka ha ii dambeeye xaafada i gee, waa taqaan islaantii hooyadey
aheydee. Waqti dhacay iyo cabsi waalid mid heysa malaha waxey
dhibsatay ilaa xad hadalkiisa oo aan ka daa dageyn. Haddey xitaa
isku dayi laheyd iney si kale wax u fahansiiso, waa garmaaqte
mowjado aan loo dirsana midba mar galaya. Sababtaasi ayey Amran
go’aanka deg dega ah u qaatay.
Islamarkiiba iyadoo talaabada bowsiineysa iskana dhigeysa
naag deg degsan ayey timid halkii gaariga yiilay isagana waa kasoo
daba carraray markiiba e wuxuu isku dayey inuu celiyo oo hadalkii
qabyada ahaa halkaasa kasii waddo.
“Abaayo
raali noqo hadaad hadalkeyga dhibsatay aniga wanaag leen raadinayey,
intaasna jaceyl aan adiga kuu qabo ayaa iga keenay”. “Waxba kama qabo
ee bal na keen waxey doonto ha ahaate” ayey hadalka u sii
raacay.
Markiiba gaariga ayaa la koray waxaana jihada afka loo saaray
hoygii Amran daganeyn. Qiyaastii qadar 10 daqiiqo ah kadib
gurigeedii baa la keenay, gabadhii kiiska iska waaleysay.
Illaahey ammarkiis islaantii Amran dhashay baa iyadoo
taleefan ku hadleysa qolkii fadhiga ahaa maqashay guuxa gaariga,
waxey is tiri malaha waa kii wiilasheeda u weynaa oo goor sii
horeysay alaab ay u diratay bal eeg ileyn war jecli bey u dhalataye,
hadeyba daaqada ka daaha ka ka fiirisay mise waaba gabadheedii Amran
oo inan la taagan banaanka. Islaantu waxey is tiri maanta labo u
kala jar hadey soo gasho guriga, waxey si aad ah u diidaneyd
ninkasta oo la hadla gabdha.
Hadeyba
si wanaagsan u eegtay waa Cabbaaskii ay habaryarta u aheyd ee
gabadheedii u rabtay. Niyadey ka faraxday iyadoo hoosta kaleh
“Maasha Allah, yaa maanta tii ka dhaafay waa tan ina habreedkeed la
hadleyse!” ayey hoosta iskula hadashay. Islaantu waa warjirro ma
hoog. Amran bey rabtaa nineysan rabin iney ku darto. Yaase kayeelaha
hee, iyada lee is daalineysa maahe Amran warkeeda waa
cadyahee.
-Walaal
Cabbaas waad mahadsan tahay cuntadaadii macaaneyd iyo martiqaadkaagi
quruxda badnaa., waanse kaa raali gareyn hadaan ku soo de dejiyey,
waayo waxaan isleeyahay armey hooyo ku daahsataa, islaantu xoogaa
waa iska kulushahay.
- Maya
abaayo waan ku dareemayaa, adigaana mudan sidaad martiqaadka iiga
aqbashay. Laakin ogow inaan weli kaa rajo dhigin ee fadlan arrintan
kasoo feker ina sii jaanis!.......
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam Cali-kaar Gothenburg,
Sweden ikraam@journalist.com
Qeybta
1 2 3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
|